Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa markii ugu horeysay baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoona ka dalbaday inuu si degdeg ah u soo magacaabo Ra’iisal Wasaare cusub oo leh khibrad, waaya aragnimo iyo aqoonta dadka iyo dalka.

Bayaanka ka soo baxay Golaha sare ee Culumada Ahlu Sunna ayaa waxaa kale oo looga dalbaday inuu soo magacaabo Ra’iisal Wasaare dadka iyo dalka ka samatabixin kara marxaladda adag ee haatan shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan.

Golaha sare ee culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa hoosta ka xariiqay in Ra’iisal Wasaarihii hore ee Baarlamaanka kalsoonida kala noqday uu yahay shaqsi muwaadin ah oo u tanasulay shacabka Soomaaliyeed, isla markaana mudadii uu xilka hayay soo qabtay howlo fara badan.

Dhinaca kale Bayaanka ka soo baxay Golaha Sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo uu ku saxiixnaa Sheekh C/raxmaan Xuseen ayaa loogu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay gacmaha is qabsadaan, ayna ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida kana hor tagaan kooxaha argagixisada xiriirka la leh ee Al-Shabaabka doonaya inuu carqaladeeyo amniga dalka iyo dadka.

Waa markii ugu horeysay oo Golaha Culumada Ahlu Sunna ay baaq u jeediyaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Md. Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo markii Baarlamaanka uu riday Ra’iisal Wasaare Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, waxayna ku booriyeen madaxda sare ee Dowladda inay soo afjaraan khilaafaadyada had iyo goor soo kala dhex gala madaxda Dowlad kasta oo Soomaaliya yeelato.

DSC08217 DSC08242 DSC08247 DSC08381 DSC07901

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

2 Responses to Golaha sare ee Culumaa’udiinka Ahlu Sunna oo baaq u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh

  1. saraaya aawoow Reply

    06/12/2013 at 12:34

    Bismillaahi Raxmaani Raxiim, aniga waxaan Dowladda iyo Shacbiga Soomaaliyeed u dirayaa baaq ah in Xukuumadda laga beddelo Dastuura oo ah wax shaqsiyaad Ibni Aadam ah soo sammeeyay ee lagu dhaqmo Diinta Xaqqa ah ee Islaamka, Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Sunnada Nabigeenna Maxamed SCW. Insha Allaah, Wa Billaahi Towfiiq.

  2. abukar Reply

    06/12/2013 at 11:07

    walee nimankaan waxa ay soo wadaan iyo wabiga yaa weeyn?ahlu suna waa niman ka daran nimankii lala dagaalamay waa niman raba hadii dowlada heshiisyo la soo saxiixato doowlado kale raba ineey wax ka ogaadaan waxaa ka mid ah oo ka tirsan shabaabtii jabtay oo si baxsad iyo qaraabonimo ula joogaa hadeysan doowlada wax ka qaban oo aysan hubka ka dhigin waxa ay kala kulmi doontaa dhibaato kale

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>