Tarsan oo shaaciyay wuxuu ka qabtay Muqdisho

Gudoomiyaha Gobalka Banadir ahna Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka warbixiyay wixii uu ka qabtay Magaalada Muqdisho Mudadii u dambeysay.

Gudoomiyaha oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Maamulkiisu uu HOwlo badan Faraha kula jiray Bilihiii lasoo dhaafay, isagoo xusay in Dib u dhiska Wadooyinka, Hirgalinta Leyrarka iftiimiya Jidadka, iyo Dib u dhiska Dhismayaasha Muhiimka ah ee lagu qabto Danta guud ay ugu horeeyaan wax-qabadka Maamulka  ee dhawaanahan.

Gudoomiye Tarsan ayaa xusay in sidoo kale Dugsiyo Waxbarasho laga hirgaliyay Degmooyinka Muqdisho, wuxuuna Daboolka ka rogay in lasii wadi doono Howlahan.

Qorshayaasha uu Maamulku iminka diyaarinayo ee lagusii hormarinayo Bilicda Muqdisho ayuu Gudoomiye Tarsan sheegay inay ugu horeeyaan Hirgalinta Jardiinooyinka lagu nasto ee Magaalada ku yaala, wuxuuna muujiyay Rajada uu ka qabo in Sanadka soo socda ay Muqdisho yeelato Bilic heer sare ah oo loo wada riyaaqo.

Dad badan ayaa Maamulka Gobalka Banadir ee iminka jira ku amaanay Howlaha muuqda ee uu ka hayo Magaalada, waxaana xusid mudan in Dib u dhiska Wadooyinku ay wali sii socdaan.

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>