Boqoradda Ingiriiska oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Soomaaliya ee Britain “SAWIRO”

Boqorrada dalka Ingiriiska Queen Elizabeth ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Dowladda Soomaaliya ay u magacawday dalka Britain Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Munaasabadda ay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth kaga gutoontay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo danjire C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe)ayaa waxaa ay ka dhacday qasriga madaxtooyada boqortooyada ingiriiska.

Safiirka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey fardaha Madaxtooyada taasi oo dhaqan u ah iney galbiyaan farduhu martida tagaysa aqalka Madaxtooyada dalka Ingiriiska waxaana uu safiirku gacan qaaday qoyska boqortooyada iyo boqoradda ayadoo Queen Elizabeth ay ka gudoontay Danjire C/laahi Maxamed Cali Warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo.

Waa markii ugu horeysay ee 23sano kadib si rasmi ah dib loogu howlgeliyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Ingiriiska ayadoo talaabadanna ay qeyb ka tahay guullaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay soo celinta xiriirka dibadda.

Danjire-Sambaloolshe-aqoonsi-ka-gudoomid-10 Danjire-Sambaloolshe-aqoonsi-ka-gudoomid-11 Danjire-Sambaloolshe-aqoonsi-ka-gudoomid-8Danjire-Sambaloolshe-aqoonsi-ka-gudoomid-10Danjire-Sambaloolshe-aqoonsi-ka-gudoomid-11Danjire-Sambaloolshe-aqoonsi-ka-gudoomid-8

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

4 Responses to Boqoradda Ingiriiska oo warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Soomaaliya ee Britain “SAWIRO”

  1. Somali Reply

    06/12/2013 at 15:23

    Somali land dadka sheegto sheekh isku sheegooda xataa waxuu inkaarayaa oo uu kanaxayaa in Mugdisho hagaagto waa ninka neenastiisa la baxay (siiro) waxaa gobalada oo dhan u sheegaya waxaa nilaga xukuma Muqdisho ee ku farxa

  2. Somali Reply

    06/12/2013 at 15:16

    Haaway somaliland dadkii sheeganaayay waxaa maanta lagu farxo ah in magaca somaliya lagu soo dhaweeyo cariga UK

  3. CEEL BUUR Reply

    06/12/2013 at 14:43

    QOFKASTA OO SOOMAALINIMO KU JIRTAA WAA INUU KU FARXAA KUWA NECEB SOMALINIMADANA WAXAAN JECLAAN LAHAA INEY ISKA NAXSANAADAAN ILAA IYO INTA EEY KA DHIMANAYAAN.
    GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL GUUL .

    ILAAH BAA MUDAN WANAAG IYO SHARAFT IYO NSB CSW…..
    SOMALIYA WAA TOOSTAY DIBNA U NOQON MEEYSO ..
    WSW

  4. Baashane Reply

    05/12/2013 at 19:13

    Waa arin uu ku farxo qof kasto soomaaliya oo xalaala jecelna in ay soomaaliya ka gudubto dhibaatooyinka hortaagan Qaranimadeeda,waxaanna u-soo dhoweynayaa si ay ku jirto soomaalinimo dhab ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>