M. GHEDI: “Heer Jowhar oo dib loo xusuusiyay shiribkoodii ahaay wixii jiri jiray waa jiraan ee jug dheh”

Gobolka shabeelaha Dhexe wuxuu ka kooban yahay  Sagaal (9) degmo oo kala ah Aden Yabaal, Cadale, Mahadaay, Warshiikh, Balcad Ruunirgood, Caligaduud, Raage-Ceele iyo Jowhar oo ah magaala madaxda gobalka Sh/Dhexe, gobolku wuxuu ka mid  yahay seddaxda (3) gobool ee dalka ugu  wax soo saarka badan, marka laga reebo fatahaadii ba’neyd ee webiga shabelle uu dhowaan ku baabi’iyay  deegaano badan oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe (devastated).

UN

Wixii ka horeeyey dhibaatadii fatahaada webiga shabelle iyo dagaalo beeledyo dhowr jeer soo noq noqday oo dhibaato baaxad weyn leh u geystay dadkii iyo duunyadii ku noolay  dhowr  tuulo oo ka tirsan magaalada Jowhar,  kahor  gobolku wuxuu hodan ku  yahay xoolaha nool (Livestock), dhul-beereedyo waa-weyn (Farmers), kaluumeysiga (Fishing) iyadoo uu gobolku  leeyahay bad-dheer,  isla markaasna waxaa gobolka dhex mara webiga shabelle, sidoo kale waxaa  gobolka ku yaal qaar ka mid ah warshadihii uu dalku beri-samaadkii ku faani jiray  sida warshadii sonkorta ee Jowhar Isnay Biyaasa, warshadii dharka ee Balcad iyo warshadii Rasasta ee Mahaday  iyo qaar kale.

Hodantinimadaas gobolka waxaa ku tiirsanan jiray si-toos ah iyo si-dadbanba dhammaan dowladihii dalka soo marey laga soo billaabo sanadkii 1960-kii ilaa  September 2013-kii oo masiibooyin rabaani ah, iyo dagaalo beeleedyo soo noqnoqday ay aafeeyeen dadkii iyo duunyadii  ku noolaay  dhowr tuulo oo ka tirsan magaalada Jowhar, balse waxaas oo dhan waxaa ka sii xannuun badan, inay dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Hassan Sh. Mohamoud  ay ugu deeqdo qonton kun oo dollar kaliya ( $ 50,000 only) dadkii  iyo duunyadii ku waxyeeloobay masiibadaas rabaaniga ahayd, iyo dagaalo beeledyadaas soo noqnoqdey,  haddaba su’aasha taagan waxay tahay konton-kaas kun ee  dollar (50,000) ma deeqbaa misa waa dulmi ku wajahan dadka ka soo jeeda deegaanada Jowhar,  su’aashaas, jawaabteeda  waxaa looga fadhiyaa heer Jowhar?.

Dadka Jowhar waxay hibo u leeyihiin inay si sarbeeb ah wax ugu sheegaan marka ay arkaan dowlad dadkeeda iyo deegaanada ay xukunto u kala  eexanaysa, sida shiribkii caan baxay bartamahii sanadkii 1970-dii, mar uu Madaxweynihii xukuumadii Militariga ahayd Allaha unaxariistee Gen. Mohamed Siyaad Barre uu booqasho ku tagay magaalada Jowhar, shiribkaas oo ahaay ” wixii jiri jiray waa jiraan ee Jaalle Siyaad jug-dheh”, kadib markii uu codsaday madaxweynihii xilligaas in loo fasiro shiribkaas, asagoo u ballan qaaday inaanan waxba la yeeli doonin marka la fasiro, ayay heer jowhar ku fasireen “Wixii jiri jiray waa jireen  oo Jareer jago looma dhiibin”, maantana shiribku waa wixii jiri jiray waa jiraan ee Jaalle Hassan Sheekh Mohamoud jug-dheh.

Ugu danbeyntii, Naadiga La Socodka Arrimaha Soomaliya wuxuu halkaan ammaan ballaaran uga soo jeedinayaa dhammaan shaqsiyaadkii, maamulladii heer degmo iyo heer gobal, hay’adaha maxaligaa iyo kuwa heer caalami ee gargaarka bani’aadanimo u fidiyay meelihii ay ka dhaceen fatahaada iyo duufaanada ka kala dhacay deegaano ka tirsan maamulka Puntland iyo magaalada Jowhar, naadigu wuxuu si gaar ah ammaan  ugu jeedinaayaa maamulka degmo wadajir oo billaabay u gurmadka dadkii ku waxyeeloobay fatahadii wabiga shabelle ee magaalada Jowhar, sidoo kale maamulka gobalka banaadir, shirkada Dahab-shiil, isku duwaha deeqaha arrimaha aadanaha ee Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Doon lagu geeyay magaalada jowhar, hay’adaha UNICEF, UNHCR, UNDP iyo UC OCHA oo dhammaantood gaaray deegaano ka tirsan magaalada jowhar, balse dhibaatada oo aad u  baaxad weyneyd aawadeed weli dhibaatadii wey taagan tahay ee fadlan hala siiwado u soo gurmashada dadkaas dhibaataysan.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle
xilqaad12@hotmail.com
Naadiga La socodka Arrimaha Soomaliya
Mogadishu, Somalia.

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

2 Responses to M. GHEDI: “Heer Jowhar oo dib loo xusuusiyay shiribkoodii ahaay wixii jiri jiray waa jiraan ee jug dheh”

  1. mohamed hassan, Rochester, MN Reply

    06/12/2013 at 19:30

    Runtii shaqsi ahaan uma aqaan qoraaga maqaalkaq ciwaankisu yahay wixii jiri jiray waa jiraan ee jug-dheh, balse waxan aaminsanahay inuu ka mid yahay qorayaasha fara ku tirsiga ah ee ka runsheega xaalada Soomaliya, waxaan aad ula yaabanahay aqristaha naqdiyay qoraalkiisa, waayoo ma uusan oran beel kaliya ayaa jowhar degta, balse wuxuu tixay degmooyinka uu ka kooban yahay gobalka shabelle dhexe.

  2. amina Reply

    06/12/2013 at 16:37

    Ninkaan waa nin aanan aqoon jowhar aawey moobleen gaaljecel jareer dhulkoodi abgaal bis maanoo sheegee hore wuxuu u ahaa 4 dagmo 5 cusub abgaal lee maa loo magaabay allaah cadaalada hana waa fajiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>