Saacid & Sanad waa na dhaafeen,Sanadka xiga muxuu noo haayaa Madaxweyne Xasan .

“Ayax Tag ,Eelna Reeb Miyaa ,Misa Ukumihi Ayaxi waddankeena in badan soo qaribay ayaa weli mid mid u soo baxayo”.

Somalida waxay u qeybsantay Afar Qolo

1- Qolo waa qolo dooneyso dowlad wacan oo dalki badbaadiso,dibna u soo celiso heybadi ummaddaan beri-samaadki ku dhax lahayd Dunida,dib u soo celiso kala dambaynti sharciga oo lagu dhaqmo dalka oo mid ah.
2- Qolana waa calooshood u shaqeystayaal had iyo jeer ku hawlan fulinta dana gurracan oo ay gadaal ka riixayaan dowlado dana wasaqeysan ka leh dalkeena, qoladan waxay u qeybsantahay labo.

A-    Qolo waa qolo og kana dheragsan hawsha ay dowladahaan u soo igmadeen, si bareer ahna dembi cad uga galo dalkooda iyo dadkooda.

 B- Qolana waa qolo dhegta loogu sheegay waxaad tehiin dadki dalkaan badbaadin lahaa,cirkana la geeyay ,una maleeyo in ay dalkan iyo dadkiisa u adeeayaan iyaga oo aan waxba ka ogeyn in ay hayaan hawlo sharaf ku dhac ah shakhsigooda,dalkooda iyo dadkooda.

3- Qolana waa dan gaabayaal ku hawlan dana hoose oo ay isu tuseen dan wacan balsa cadaw ku ah danta guud ee ummaddaan,kuwaan waxaa isugu jiro kuwa qabyaalada ku adeegto,wadaad xume,mansab doon,calool yare calooshiisa buuxisho dhawr shilimood iyo mid jeeb weyn, iwm.

4- Qolana waa dan moog had iyo jeer u sacbiyo meeshi uu uga muuqdo mid ay isku qabiil yihiin ama bar yaqaaniin ,ama la weynaa shakhsigiisa ,ama rumeysto saxaafada kuwooda xun ee had iyo jeer u taagan fulinta danooyinka qolooyinkan kala duwan ee aan kor ku soo sheeganay qaarkooda xun.”Waa Dameeri dhaan raacday”.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax shirdoon waa ku daayay maanta,awalna kuma fadhin sal adag ,oo dowladiisa waxay ahayd sanadki ay jirtay mid ku eedeysan eed uu fadhi u yahay waxaa ku adeegto koox yar oo madaxweynaha hormood u yahay, haddaba su’aasha waxay tahay maxaa xiga, maxaa wax iska bedalayo iska tegistiisa keddib,ama arrinta waa uun “jug Jug Meeshaada Joog.

Siyaasada in lagu kala adkaado waa wax dabiici ah ama daahir ka noqday dunidan tan iyo inti la unkay oo lama haayo dad meel u wada socdo ,laakin dad waxay ku kala tageen hadba hogaamiyaha horkacayo wadada uu maro sida ay tahay samaan iyo xumaan.

Dhab ka hadal Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Shikh sanadki tegay wuxuu had iyo jeer dagaal ku ahaa cidi soo hadal qaado Dowladi uu soo dhisay waa fashilantay , wax qabadki laga sugayana lama imaan,haddeerna madaxweynihi iyo barlamaanki ayaa si cad u qirtay in Xukuumadi uu Mudane Saacid horkacayay ku fashilantay sanadki tegay hawlaheedi.waa su’aale Goormeen Aragnay Mudane Saaacid oo maalin kaliya muujiyay in uu leeyahay dhaqan Ra’iisal wasaare,waxaa si cad u muuqday in hawshiisa uu horkacayay madaxweynaha naf’ahaantiisa ,waxa fashilmay oo maanta la qirtayna in ay tahay maamulki madaxweynaha , laakin haddeer loo helay nin uu ku qaan baxo ama u noqdo qurbaanki dadka Somalida ah loo hormarin lahaa kol haddii ay si cad u soo muuqatay in madaxweyne Xasan shikh iyo kooxda lagu tuhmo in ay garbaha iyo gadaalba ka taagan yihiin ee Dam Jadiid in dhaqankooda siyaasadeed ee hooseeyo indhaha ummadda oo dhan ku soo jeedaan.

Hadda iyo Dan, Sanad na dhaaf,Sanadki xiga muxuu noo haayaa ayey kula tahay Madaxweynihi maalin cad golaha shacabka gudihiisa lagu eedeeyay in uu laaluush ku baxshay ridida wasiirkiisa koowaad,islamrkaasna in ka yar usbuuc xukuumadiisa iyo madaxda dalkaba lagu eedeeyay in ay ku fashilmeen soo dhisida hay’adihi maaliyada si ay dowladaha addunka u bixiyaan balan qaadyadi lacageed ee dowlada lagu siiyay shirki Brussels ee dalka Belgium lagu qabtay bishi september ee tagtay iyada oo in badan oo Somalida ah qabeen in siyaasada dibada ee dowllada soo hoysay guul la taaban karo ,walow ay hubaal tahay in aynan siyaasad debadeed ee dal leeyahay guuleysan karin haddii aynan dowladaas ku guuleysan hanashada guud ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka iyo dadkeeda.

Fiira gaar ah ,Somaliweyn naga Ilaaliya wasiirka koowaad ee imaan doono in aan ku kharaj gareyno soo dhaweyntiisa lacaga badan ,maadaamaa aan la hubin wuxuu la imaan doono iyo qaabka ay ula dhaqmi doonaan Madaxweynaha Dalka iyo Barlmaankan Xaalkiisa Allah ogyahay.;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

 MAHAAN NAGALA SOO XIRIIR

       webmaster@shaaciye.com 

          Skype  Xuseen Madoobe

3 Responses to Saacid & Sanad waa na dhaafeen,Sanadka xiga muxuu noo haayaa Madaxweyne Xasan .

  1. abukar Reply

    09/12/2013 at 11:08

    asc waa mahadsan yahay qoraga laakiin Saacid awalba ma haaynin xil uu u madax banaanaa oo waxa uu ahaa maqaar saar hadii uu ahaa ra iisul wasaare sax waxa uu xaq u lahaa inuu asaga soo magacaabo golaha wasiirada waa la wada soconaa magacaabistii wasiirada dhibaatadii laga soo maray iyo inta leeysku haaystay ma jiro hal wasiir oo uu Saacid si gaar ah u magacaabay dhamaan waxa ay ka yimaadeen dhanka madaxweeynaha mahadsanidiin

  2. salaan kadib, qoraagu aad ayuu u mahadsan yahay waxaan ku darsan lahaa qoraagu inta uusoo sheegay in dastuur ku lagu qeexo in raisul wasaaruhu uu madaxweynaha xil ka qaadis toos ah ku sameen karo , si xukuumad walbaa loo la dhiso u noqoto mid toos uu ula xisaab tami karo hada waa wiil aan aabaheed ka amar qaadan hadii sidaa lagu daayo .. teeda kale waxaa ay ila tahay gaabis ka uu sameeyo raisul wasaaraha waxa dusha laga saari doonaa madaxweynaha .. marka golaha sharci dajinta ( baarlamaan ka) waa in ay eegaan arintaan.. mahadsanidiin .

  3. masagoway city Reply

    03/12/2013 at 14:01

    kkkkkkkkkkkkk ayaax ku lahaa somalidu 4 ey u qebsantaa kulaha war qabiilka iskaa dhaafa qaraan aan moroona walaga tageey nin maqayad iyo nin macalin dugsi dadkii syl ee gobanimodonka aa jogaan ayag og waxii fican iyo waxii u xuun somali viva prof xasan sheekh ilahoow cadawgiisa cagta ka hoos

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>