Home » SHIRIB-YADA » SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W/C/ XASAN KAAMILL SHIRIB-MAAL

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE W/C/ XASAN KAAMILL SHIRIB-MAAL

“Toban walxaato HA ku taal
Hergelintoodo waa haddaan.

Halyeey hamiinisoow qabee
Habiin socaaya waa haddaan.

Heestimo may hadaaf dhigtee
Hilbiiska dhaaftay waa haddaan,

Hoggaanka oo lagu hertee
Horuu socaaya waa haddaan.

Haan dhexa ood higaagatee
Hayin la saaray waa haddaan.

Heyb sooci maan kasoo hernee
Hab leesa siiyay waa haddaan.

Hilba la tuuray hoos horoon
Haaddu cuneynna waa haddaan.

Hawo mineey hogosha roob
Hanfi ku gaarto waa haddaan,

Mii hiiran hammir soo gudbee
Hareeri dhaafay waa haddaan.

Halyeey doqon kasoo heree
U hambalyeeyay waa haddaan.

Huyun cargaa hal daaqdayoon
Habeediheyna waa habbaan.
“AFMEER”
Habhabta maan kasoo hernee
Horumareeynu waa haddaan:!
Shirib-maal

x

Check Also

Shiribka maanta iyo Shaaciye waa Shirib Cajiib ah! W/Curisay: Laashimad Layla Ladan Shadoor!

“Sagaal walxaato wow ku taal Iyo sagaal kalaa wacneed. Waxyiga waaxidkeey iyo Weyneynta diintu Waa ...

Shiribka Maanta iyo Shaaciye; W/C: Xasan Kaamill Cuute (Shiribmaal)

“Afar walxaato deel ku taal Afar kaleey kusoo degtaa! Dowladu shacab doonayee Damiir laheey kusoo ...

Watch Dragon ball super