Home » SHIRIB-YADA » Shiribka Maanta iyo Shaaciye W/C/ Laashin Abuukar Axmed Cabdulle (Taqi)

Shiribka Maanta iyo Shaaciye W/C/ Laashin Abuukar Axmed Cabdulle (Taqi)

Waa Shirib  dardaaran ah oo dhinacyo badan taabanaya

Alifya afartiisiyaan
Erayadaan ka allifaa,

Illaaheey  amarkiisiyaan
Ku iri wixii aan uwaad,

Idinna heeydin anfacdee
U geeya madaxdaan ogeyn,

Isiiya foogta ii imaaw
Arintu yeey naga ahaan,

Umul waxay mar eersateey
Ka aalli diiday yeey ahaan,

U eg dadaal abuur duboow
Arrintu yeey naga ahaan.

Axal ubucda kaa gashee
Lala ih leeyo yeey ahaan;

Ogow ninkii agaasimaan
Ushuu sidaana yeey ahaan.

Ida mahaad ka uujiseey
U ambadaanna yeey haayn.

Ubax dheh waa abuurayaa
Ee oon ku duugna yeey ahaan.

Aragtideeydu waa amxaar
Wuxuu amraana yeey ahaan.

Oonleey biya lasoo arkoon
Loo sii aroorin yeey ahaan.

Amar ka qaado oo adeec
Ibliis madowna yeey ahaan.

Ushaada tuure afka taag
Adoo ordaana yeey ahaan.

Illinta ilyartooga aal
Adoo ku ogna yeey ahaan.

Abkeey anow aqoolayee
Iikaadi maanta yeey ahaan,

Ololya guux la oogayee
La eedo foogta yeey ahaan,

Aqriska diinta yaan aqoon
Oo noo adeego yeey ahaan,

Ilmaha ka asbaabiyoo
Akhlaaqda doori yeey ahan,

Adeego waa laguu idmee
Inteey ku eryin yeey ahaan.

Oomaan ka imidee isii
Ilma habkoorna yeey ahaan.

Axad khamiis ku afareey
Isniin ka boodna yeey ahaan.

Anoo ogeey abasaxneed
Awrnuuma tujin yeey haan.

Umaddu weydin aamintee
Ogaadha axdigaad gasheen,

W/C/ Laashin Abuukar Axmed Cabdulle (Taqi)

x

Check Also

Shiribka Maanta Iyo Shaaciye W/C/ Hassan Kaamill Cuute Shiribmaal

“Afar walxaat Alif ku taal Iyo afar kalaan arkaa: Ummad amarki diidayee La imtixaanayaan arkaa, Eedya dagaalya aanfa guud                       ...

Shiribka Maanta iyo Shaaciye W,D, Shiribmaal

¨TOBAN WALXAAT NIMEEY WADDAA ANNA TOBAN KALEYLA WEYN¨   1. Wasiir noqo nimeey waddaa anna waddan dhismeyla weyn   2.Woodkaan qarxi nimeey waddaa anna walaal dhinteyla weyn   3.Warranka tuur ...

Watch Dragon ball super