Home » SHIRIB-YADA » Shiribka Maanta iyo Shaaciye: W/C: Laaahin Ibraahim Cali Raage!

Shiribka Maanta iyo Shaaciye: W/C: Laaahin Ibraahim Cali Raage!

Shiribka Maanta iyo Shaaciye: wuxuu ku Socoyaa Guddoomiyaha Gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Taabit Cabdi. W/C: Laashin Ibraahim Cali Raage

“Toban walxaato TA ku taal
Ha toosto taabit cabdiyow,

Tala xumaddi meesha tiil
Ha toosto taabit cabdiyow.

Tubti xirreyd tuwanti feyf
Ha toosto taabit cabdiyow,

Tacliinti gobalkoo tirreed
Ha toosto taabit cabdiyow.

Towfiiq la’aanti meesha tiil
Ha toosto taabit cabdiyow.

Tignoolajiyadaan tebnee
Ha toosto taabit cabdiyow,

Towsey qabtaa qabiil tixee
Ha toosto taabit cabdiyow;

Tafyaa dhextaal tubtaad martee
Ha toosto taabit cabdiyow.

Tuhmaa jirta tolkaa qabyee
Ha toosto taabit cabdiyow;

Tii gobalkoo LA tuuranaa
Ha toosto taabit cabdiyow.

Talana saaro tii alloo
Ha toosto taabit cabdiyow,

Afmeer

Tigree ma rabno noo talshee
Taariikhdu waa qormeehe toos!

W/C: Laashin Ibraahin Cali Raage

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super