Home » SHIRIB-YADA » SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE. W/C/ Cabdinuur Xasan Cali Waddani

SHIRIBKA MAANTA IYO SHAACIYE. W/C/ Cabdinuur Xasan Cali Waddani

Toban walxaato waa tagtee
Toban kaleeto xow talaa?

Tuugii qabiilku waa tagyee
Tegree u taahe xow talaa?

Toogaan anaa leh waa tagtee
Toban kun qaado xow talaa?

Tolkoo is laaya waa tagtee
Tii am qarxaaya xow talaa?

Tacliin la,aanu waa tagtee
Tacab la,aanta xow talaa?

Talo gumeysi waa tagtee
Toosid la,aanta xow talaa?

Anaa tunwaynu waa tagtee
Anaa takooray xow talaa?

Taahii colaadu waa tagyee
Tahriibya gaajo xow talaa?

Tubtaan dhisneynu waa tagtee
Taya la,aanta xow talaa?

Tuu laysku taago waa tagyee
Tiir laysku heesto xow talaa?

Taariko male waa tagtee
Taraafigteena xow talaa?
Nikax
Adoon takoorin tii ILAAH

Tagoogta saan u toosinaa

WADDANI

x

Check Also

Shiribka maanta iyo Shaaciye waa Shirib Cajiib ah! W/Curisay: Laashimad Layla Ladan Shadoor!

“Sagaal walxaato wow ku taal Iyo sagaal kalaa wacneed. Waxyiga waaxidkeey iyo Weyneynta diintu Waa ...

Shiribka Maanta iyo Shaaciye; W/C: Xasan Kaamill Cuute (Shiribmaal)

“Afar walxaato deel ku taal Afar kaleey kusoo degtaa! Dowladu shacab doonayee Damiir laheey kusoo ...

Watch Dragon ball super