Home » WARARKA MAANTA » Sharikaddii soo saartay Laptop-ka 3 shaashadlaha oo sheegtay in laga xaday!

Sharikaddii soo saartay Laptop-ka 3 shaashadlaha oo sheegtay in laga xaday!

Sharikadda Razer ee soo saartay dhawaan Laptop saddex shaashadle ah ayaa ku dhawaaqday in Naqshaddii Laptopka saddexda shaashad leh laga xaday islamarkaana la la’yahay hadda.

Naqshadda ayaa la dhigay Madxafka Sharikadda Razer ee Las vegas,sida ay sheegayaan mas’uuliyiinta Sharikadda.

Sharikaddu waxaa ay sheegtay in naqshadda ay ahayd tii ugu horreysay ee abid tijaabo ahaan loogu guuleysto Caalamka hayeeshee la xaday iyada oo aan la garaneyn cidda xadday.

Guddoomiyaha Sharikadda Razer Min-Liang Tan,ayaa sheegay in qof kasta oo hela xog sahleysa in la helo naqashaddaasi ay siin doonaan $25,000 oo Doollarka Mareykanka ah oo abaal gud ah.

Waxaa uu yiri “Kooxdeenna naqshadeynata ayaa  ku howlanaa muddo bilo ah soo saaridda naqshaddan,waxaaana khasaare weyn oo aan aad uga xunnahay,waxaana u qaadaneynaa xaalad amni oo halis ah”

Min-Liang Tan.ayaa Facebook-giisa ku soo qoray in waxa ku dhacay razer ay tahay qiyaano lagu sameeyay hal abuurka casriga ah ee Razer,waxaana uu dalbaday in cid kasta oo qaadatay ay dib isaga soo celiso.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super