Home » WARARKA MAANTA » Shariif Xasan oo qorshe muhiima ka damacsan magaalada Baraawe

Shariif Xasan oo qorshe muhiima ka damacsan magaalada Baraawe

Madaxweynaha maamul-gobaleedka Koofur-galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu maanta booqasho ku soo gaaray magaalada Baraawe ee gobalka Shabeellada Hoose, isaga oo u gogol-xaaraya meel-marinta qorshe uu maamulkiisu ka damacsan yahay magaaladaas.

Ilo-wareed ku sugan Baraawe ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweyne Shariif uu kormeeray xarumaha dowladda ee ku yaalla magaalada, isaga oo warbixinno xaaladaha jira ku saabsan ka dhegeystay xubnaha maamulka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa waxa uu si gaar ah u indha-indheeyay xarunta madaxtooyada maamulka koofur-galbeed iyo xafiisyada kale ee dowladda oo dayactir uu ka socdo, isaga oo u kuur-galay halka ay marayso dayactirka iyo sida ay xarumahaas diyaar ugu yihiin martigelinta shaqooyinka maamulka.

Sida ku cad heshiiska lagu dhisay maamulka Koofurgalbeed, magaalada Baraawe ayaa ah xarunta rasmiga ah maamulkan, in kasta oo xaalado amni iyo magaalada oo dhibbane u noqotay colaado muddo dheer ka jiray deegaanka ay Baraawe ku reebeen burbur iyo saamayn dib u dhigay magaalad.a

Maamulka Koofurgalbeed ayaa tan iyo markii la dhisay waxa uu ku shaqaynayay magaalada Baydhabo, oo xarun kumeel-gaar ah u ahayd. Waxaana uu maamulku marar badan ku celceliyay in uu si dhaqsa ah ugu guuri doono xaruntiisa rasmiga ah ee Baraawe.

 

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super