Home » WARARKA MAANTA » Shabaab oo dhacdo fool-xun ka sameysay Shabeellada Hoose

Shabaab oo dhacdo fool-xun ka sameysay Shabeellada Hoose

Shabaab ayaa galabta xukun dil ah ku fulisay oday 82 jir ahaa, ka dib markii ay ku eedeeyeen in uu ka mid ahaa Ergadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku soo dooratay degaannada koonfur-galbeed.

Maxkamadda Shabaab ee degmada Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose, ayaa xukun dil ah ku ridday odaygan oo lagu magacaabi jiray Cismaan Diini Cali.

Qaadiga maxkamadda Shabaab, ayaa sheegay in Cismaan uu soo xalay xildhibaanno ay ka mid tahay haweeney uu magaceeda ku soo koobay Muna, oo sida uu sheegay ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

 Cismaan Diini Cali, ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta lagu toogtay fagaare ku yaalla degmada Awdheegle, halkaas oo ay dhoobnaayeem dad daawanayay toogashada.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super