Home » WARARKA MAANTA » Shabaab oo gacmaha ka goysay oday iyo wiil yar

Shabaab oo gacmaha ka goysay oday iyo wiil yar

Kooxda Shabaab ayaa gacmaha ka goysay nin oday ay iyo wiil yar oo ku sugnaa deegaanka Tiyeglow ee gobalka Bakool.

Meel fagaare ah oo ay dadka deegaanku isugu yimmaadeen ayaa xukun gacan-goyn ah lagula fuliyay Aadan Muxumed Nuur oo 42 jir iyo Isaaq Aadan oo 23 jir ah.

Labadan nin ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay lacag ka xadeen goob ganacsi.

Sida uu amray garsooraha maxkamadda Shabaabka, waxaa labada nin laga jaray min hal gacan.

Dad badan ayaa kooxda Shabaab ku dhaliila xukunnada dilka iyo gacan-goynta oo ay mararka qaar fuliso iyada oo aan u eegin culayska dembiyada eedeysanayaasha, iyo caddeymaha loo haayo dembiyadaas.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super