Home » ENGLISH NEWS » R/waaaraha Somalia oo Saraakiil ajaaniib iyo kuwo Somali kala hadlay sugida amniga dalka..

R/waaaraha Somalia oo Saraakiil ajaaniib iyo kuwo Somali kala hadlay sugida amniga dalka..

Cumar C/rashiid R/wasaaraha Soomaaliya kulan Muhiim ah la qaatay Laamaha Amaanka dalka Sida Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida, Taliyaha Ciidan Xooga dalka & Saraakiil ka socday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Xubno kala Matalayay Wasaarada Amniga & Saraakiisha Midowga Yurub.

Shirkaan ayaa waxaa warbixino amniga la xiriira lagaga dhageystay Taliyaha Ciidanka NISA C/raxmaan Tuuryare iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Aadan Axmed kuwaa oo faah faahin ka bixiyay dadaalada lagu ciribtirayo Argagaxisada Al Shabaab iyo Qorshaha Al shabaab looga saarayo Goobaha dalka ay kaga sugan yihiin.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan oo kulankaasi kaddib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kulanka ahmiyad lagu siinayay xoojinta amniga iyo wada shaqeyn dhexmarta ciidamada.

Kulankani looga hadlayay amniga Dalka ayaa qeyb ah kulamo isdaba joog ah oo inta badan looga hadlo ammaanka waxaana jira fashil dhanka amaanka ah Xili wax mushaar ah aysan Ciidamado helin dhanka kalana Al shabaab ay kordhiyeen Weerarada ka dhanka ah DF & Amisom.

 

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super