Home » WARARKA MAANTA » Reer Jowhar oo aad ula yaabban fal uu ku kacay maamulka Hirshabeelle

Reer Jowhar oo aad ula yaabban fal uu ku kacay maamulka Hirshabeelle

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa waxa ay maanta hadal-haayaan xarig uu maamulka Hirshabeelle kula maxay agaasimihii Isbitaalka Jowhar.

Xasan Mahad ayaa waxaa xabsiga u taxaabay ciidamo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in amarka xariggiisa uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.

Xarigga ayaa ka dambeeyay markii uu maamulka Isbitaalku iska diiday fulinta amar ka soo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku saabsanaa in la joojiyo shaqada ay hayso hay’adda INTERSOS oo iyadu maamusha isbitaalka Jowhar.

Isbitaalka Jowhar iyo hay’adda maamushaba waxa ay adeeg caafimaad u fidiyaan dhammaan dadka ku nool magaalada iyo deegaannada ku dhaw dhaw oo aan gooba caafimaad oo badan lahayn. Maamulka Hirshabeellana ma uusan sheegin sababta ku riixaysa in uu joojiyo shaqada ka socota Isbitaalka.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super