Home » WARARKA MAANTA » Ra’isul-wasaare Kheyrre oo soo-jeedin muhiima u diray Galmudug

Ra’isul-wasaare Kheyrre oo soo-jeedin muhiima u diray Galmudug

Ra’isul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa waxa uu hay’adaha maamulka Galmudug, gaar ahaan Baarlamanka, u soo jeediyay in dib loo dhigo doorashada madaxtinimada maamulkaas oo la filayay in ay dhawaan dhacdo.

Soo-jeedinta ra’isul-wasaaraha ayaa ka dambeysay kulamo uu saacadihii la soo dhaafay la yeeshay wax-garad, siyaasiyiin, xildhibaanno heer federaal iyo kuwa heer gobal ah, oo ka soo wada jeeda deegaannada uu ka taliyo maamulka Galmudug.

Kulamadan ayaa waxaa looga hadlayay qabashada doorashada madaxtinimada Galmudug, si loo soo dhammeeyo marnaashaha xagga maamulka ee jiray wixii ka dambeeyay markii uu iscasilay madaxweynihii hore mudane- Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Ra’isul-wasaare  Kheyrre ayaa isaga oo eegaya arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha abaareed ee dalka ka jira, iyo dadaalka loogu jiro soo-dhisidda xukuumadda cusub ee federaalka, waxa uu ku baaqay in muddo 40 maalmood ah dib loo dhigo doorashada madaxtinimada Galmudug.

Mudane- Kheyrre ayaa ku dhiirrigeliyay mas’uuliyiinta iyo xildhibaannada Galmudug in ay waqti siiyaan ka-fiirsashada sida loo heli karo hoggaan cusub oo wax-qabad la yimaada. Waxaana uu -sidaas oo kale- ku boorriyay musharraxiinta madaxtinimada Galmudug in ay ku dadaalaan sidii loo samayn lahaa dib-u-heshiisiin bulshada dhexdeeda ah, taas oo suurtagelin doonto helitaanka hoggaan raalli laga wada yahay.

Musharraxiin badan ayaa u taagan xilka madaxtinimada Galmudug, kuwaas oo beryihii u dambeeyay Muqdisho iyo meelo kale ka waday ololeyaal ay taageero ku raadinayaan.

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super