Home » WARARKA MAANTA » Ra’iisul-wasaare Kheyre oo la filayo in uu maanta ku dhawaaqo xukuumadda cusub

Ra’iisul-wasaare Kheyre oo la filayo in uu maanta ku dhawaaqo xukuumadda cusub

Wararka laga helaayo Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyre uu maanta gelinka dambe ku dhawaaqi doono golaha Wasiirada.

Diyaar-garowgii ugu danbeeyay ayaa ka socda magaalada Muqdisho, xilli la wada sugayo in golaha wasiirrada cusb lagu dhawaaqo saacadaha soo socda.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in liiska golaha wasiirrada uu yahay mid diyaarsan, iyada oo la soo gaba-gabeeyay dhammaan wixii wada-ah tashiyo ee madaxda dowladdu ku jireen.

Wajiyo cusub ayaa ku soo biiri doona golaha wasiirada, kuwaas oo noqon doona dad qaarkood aad loo yaqaanno, xilal aan wasiir aheynna soo qabtay.

Tirada golaha wasiirrada ayaa la hadal-haayaa in a noqon doonaan 25 Wasiir, ayna jiri doonaan dhowr ra’isul-wasaare-ku-xigeen.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, oo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu sii mashquulsanaa go’aan-ka-gaarista dhismaha xukuumadda cusub ayaa hadda waxa ay u eg yihiin kuwo diyaariyay liiska golaha wasiirrada, si loogu dhawaaqo saacado yar ka dib.

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super