Home » WARARKA MAANTA » Dhacdo argagax leh oo qabsatay madax ka tirsan Soomaalilan

Dhacdo argagax leh oo qabsatay madax ka tirsan Soomaalilan

Rag isugu jira wasiirro iyo mas’uuliyiin degmooyin ayaa waxaa ku soo rogmaday daad xoog leh, xilli ay gaari ku marayeen deegaanno u dhaw Gebilay.

Ilo-wareed ku sugan Soomaalilan ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadan ay sababtay geerida guddoomiyaha deegaanka Xariirad oo u dhaw Gebilay.

Gaariga uu saarnaa guddoomiyaha ayaa dhexda ka galay daad qulqulaya, waxaana gaariga ka booday xubno uu ku jiray wasiirka dhallinyarada, kuwaas oo ka badbaaday shilka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in mas’uulka geeriyooday isla maanta lagu aasay deegaanka uu maamulayay.

Wixii ku soo kordha dhacdadan dib ayaa aad kala socon doontaan, Inshaa allaah.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super