Home » WARARKA MAANTA » Qaraxyo xoogan oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho

Qaraxyo xoogan oo caawa laga maqlay magaalada Muqdisho

Waxaa caawa qaraxyo xooggan laga maqlay nawaaxiga wasaaradda gaashaandhigga ee degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa bambooyin ku weeraray Ciidamo ku sugan nawaaxiga wasaaradda Gaashaandhigga.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas laga maqlayo halkaasi, ka dib markii ay Qaraxyadaasi dhaceen.

Dhinnaca kale, kooxo hubeysan ayaa bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxa ay ku weerareen xarunta waaxda Halgan ee degmada Dayniile.

Lama oga  in  qaraxyadan ay sababeen khasaaro nafeed. Mana jiro wax war ah oo ay hay’adaha amniga iyo mas’uuliyiinta Dayniileba ka soo saareen dhacdadan.

Wixii ka dambeeyay doorashadii madaxweynaha cusub ee dalka mudane- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa ay Muqdisho u ekayd mid martigelinaysay xaalado amnidarro oo joogto ah, iyada oo ay arrintaasi rejo-xumo gelisay shacabka magaalada oo ku hanweynaa in dowladda cusub ay billow u noqon doonto isbeddel nabadeed.

 

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super