Home » WARARKA MAANTA » Qaraxyo Xalay Fiidkii ka dhacay Magaalada Jowhar

Qaraxyo Xalay Fiidkii ka dhacay Magaalada Jowhar

Waxaa Qaraxyo laga maqlay Xalay  Salaadii Cishaha kadib  Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Qaraxyada waxay ahaayeen nuuca gacanta laga tuuro sida dadka deegaanka ay Warbaahinta usheegeen iyadoo lagu weeraray guri uu deggan yahay nabadoon lagu magacaabo Muuse oo ka mid ah dadka deggan Xaafada Hanti wadaag Ee Jowhar.

Lama oga khasaaro ka dhashay Qaraxyadaasi oo labo ahaa waxaana dadka ay ahaayen xalay kuwo guryahooda ku kala xarooday taasi oo ka dhigtay in xog la heli waayo.

Laamaha Amniga Jowhar ayaa xiriir aan la sameenay waxay inoo sheegeen in baaritaan ay wadaan oo ay dib saxaafada kala hadli doonaan.

Qaraxyadaan ayaa kusoo beegmaya xilli sidaan si la mid ah weerar lagu qaaday Madaxtooyada Hirshabelle waxaana kasii horeeyey weerar bambaano oo lagu dilay Bilo ka hor Taliyihii Booliska Sh/Dhexe Korneel Khaliif Cabdulle Carfaaye.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super