Home » WARARKA MAANTA » Qarax caawa ka dhacay degmada Kaaraan iyo haweenay la dilay

Qarax caawa ka dhacay degmada Kaaraan iyo haweenay la dilay

Qarax bambo ayaa waxa caawa fiidkii lagu weeraray Saldhigga degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen qaar ka mid ah ciidamada Booliska degmada.

Koox dhuumalaysanaysa ayaa bambo ku soo tuuray saldhigga xilli fiid ah, waxaana markaas ka dib la maqlay rasaas ay ciidamada goobta joogay isaga cabbinayeen ragga soo weeraray.

Lama sheegin khasaaro ka dhashay bambada iyo rasaasta ay ciidamadu rideen. Kooxdii weerarka soo qaaddayna waa ay baxsatay.

Dhinaca kale rag bastoolado ku hubeysan ayaa isla caawa waxa ay degmada Kaaraan ku dileen haweenay ka mid ahayd dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in haweenaydan la dilay ay ka tirsanayd shaqaalaha nadaafadda gobalka Banadir, in kasta oo aan xog dheeraad ah laga helin arrinkeeda.

Dilal qorsheysan iyo qaraxyo badan ayaa Muqdisho ka dhacay tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee dalka mudane- Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo halkudhigga ololihii musharraxnimadiisa ay ahayd ‘NABAD IYO NOLOL’.

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super