Home » WARARKA MAANTA » Puntland oo ku fashilantay heshiis ay ka qarisay DF (SABABTA)

Puntland oo ku fashilantay heshiis ay ka qarisay DF (SABABTA)

Maamulka Puntland ayaa ku fashilmay isku-day aysan ka war hayn dowladda Soomaaliya, kaas oo ay caawinaad uga dalbatay NATO; balse ay NATO ku soo warcelisayay hadal quus wata.

Hadalkaasi ayaa soo baxay ka dib markii uu madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cameey ka codsaday ciiddanka caalamiga ee ilaalada ka haya xeebaha Soomaaliya in ay tallaabo ka qaadaan kalluumeysiga sharci-darradda ee badda Soomaaliya.

Mudane- Cammeey ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlayey munaasabad shalay ka dhacday dekedda Bosaaso oo lagu soo bandhigay markabkii dhawaan laga soo daayay gacanta koox Soomaali ah oo afduub ku heystay.

Afduubka ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee markab loogu geysta xeebha Soomaaliya tan iyo markii lagu dhawaaqay in ay joogsadeen falalka burcad-badeednimada, sannadkii 2012.

Eng. Cammeey ayaa ka digay in  ay dhici karaan afduubyo kale, haddii aan laga hortegin dhibaatadda ka taagan badda Soomaaliya.

“Waxa aan ka codsanay maraakiibta dagaalka ee Isbahaysiga NATO in ay tallaabo ka qaadaan maraakiibta sida sharci-darradda ah uga kalluumeysta badda Soomaaliya” ayaa uu yiri.

Waxa uu intaas ku daray in ay Saraakiisha NATO u muujiyeen in aysan howlaha loo idmaday ka mid ahayn in ay ka hortagaan maraakiibta kalluumeysiga; balse ay hawshooda tahay la-dagaaalanka burcad-baddeeda.

x

Check Also

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Somaliland oo ka hadashay warar halis ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal iimaan, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xariirto, kuwaas oo sheegaya ...

Watch Dragon ball super