Home » DHAGEEYSIGA » NISA oo iska fogeysay inay ku lug yeelatay eedeymo loo jeediyay, soona saartay digniintii ugu weyneyd (Dhageyso)

NISA oo iska fogeysay inay ku lug yeelatay eedeymo loo jeediyay, soona saartay digniintii ugu weyneyd (Dhageyso)

Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta iska fogeysay eedeymo loo jeediyay oo ku saabsan faragelin ay ku heyso arrimaha doorashooyinka ee ka socda Muqdisho iyo gobolada dalka.

Eedeymaha loo jeedinayo Hay’adda NISA ayaa waxaa ugu dambeeyay waxaa ka mid ahaa in howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho ay ku xireen oday dhaqameed uu dacwad ka soo gudbiyay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Cismaaciil Daahir Cusmaan oo ah K/Xigeenka Taliyaha Nabadusgidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay wararkaasi, isagoona eedeymahaasi ku tilmaamay kuwo ku tiri ku teen ah, isla markaana aanay wax faragelin ah ku sameynin arrimaha doorashooyinka iyo xarig ay u geysteen salaadiinta beelaha Somaliland ka socda.

“Anaga waxaan mar walba u soo taaganahay difaaca dalka iyo wax walba oo khatar gelinaya qaranimadeena” ayuu yiri Taliye K/Xigeenka NISA oo digniin u jeediyay dadka faafinaya wararkaasi been abuurka ah, wuxuuna shacabka ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga.

Jabriil Maxamud Nuur
jabriil@journalist.com

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super