Home » WARARKA MAANTA » Nabadoon Xaad oo wax laga xumaado ku tilmaamay wax ka qabasho la’aanta Soomaalida Ku jira Xabsiyada Caalamka

Nabadoon Xaad oo wax laga xumaado ku tilmaamay wax ka qabasho la’aanta Soomaalida Ku jira Xabsiyada Caalamka

Nabadoon Xaaji Maxamed Xasan Xaad Guddoomiyaha Odayaasha dhaqanka Midnimada Beelaha Hawiye oo u warramayay Warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Safiirada Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa ay dayacaan Muwaadiniinta dalalkaas ku sugan.

Waxaana Nabadoon Xaad uu hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in xil la iska saaro dadka Soomaaliyeed ee ku tabaaleysan Xabsiyada dalka dibaddiisa.

“ waxaan dowladda Soomaaliyeed ka rabnaa in Safaaradaheeda dibadda dadka ay u wakiilatay ay kala xisaabtanto dayac heysta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa lagu dhibaateeyo” ayuu yiri Nabadoon Maxamed  Xasan Xaad.

Soomaali kala duwan ayaa ku dayacan Dalka Dibaddiisa waxaana ay ku jiraan Xabsiyo kala duwan iyadoo aan wax Maxkamad ah la soo taagin

x

Check Also

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa Guudlaawe..

Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar, si uu ugu dhawaaqo Golaha Wasiiradda ee Maamulkaasi, balse la hakiyey kadib, markii ay soo baxeen Khilaafka ...

Dowladda Somalia oo diyaarisay qorshihii shabaab looga saari lahaa degmada Saakow ee Gobolka J/dhexe..

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Maxamed Cadow Cali, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney diyaariyeen qorshihii Ciidamada maamulka Jubba Land iyo kuwa Dowladda oo ...

Watch Dragon ball super