Home » WARARKA MAANTA » Midowga Yurub oo Xeebta Muqdisho ku tababaraya Ciidanka Badda Soomaaliya

Midowga Yurub oo Xeebta Muqdisho ku tababaraya Ciidanka Badda Soomaaliya

Ciidamada ka socda Midowga Yurub ee jooga Soomaaliya ayaa waxaa ay tababar u fureen Ciidamo ka tirsan Badda Soomaaliya.

Tababarka Ciidamadan waxaa uu ka dambeeyay kaddib markii Saraakiisha Ciidamada Midowga Yurub ee jooga Xeebaha Soomaaliya ay dhawaan kulan la qaateen Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.

Tababarkan waxaa kale oo ka qeyb gelaya Ciidan ka tirsan AMISOM qeybteeda Badda,waxaana ay qaadanayaan tababar la xiriira la dagaallanka Burcad badeedda.

Ciidamadan waxaa la barayaa sida looga hortago sida loo qorsheeyo howlgallada ka dhanka ah Burcad Badeedda,sida loo fuliyo iyo nidaamka ilaalinta Xeebaha,qaabka loo kaxeeyo Doonyaha iyo maraakiibta ay adeegsanayaan Ciidamada Badda ee uu tababarka u socdo.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super