Home » MUUQAALLADA » MAHAAN KA FIIRSO: AQRISO Taariikhda Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Gudlaawe &Waxqabadkii Lagu Bartay

MAHAAN KA FIIRSO: AQRISO Taariikhda Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Gudlaawe &Waxqabadkii Lagu Bartay

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe waxaa u ku dhashay deegaan hoostaga degmada Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe Dugsiga Hoose Dhexe Sare wuxuu kaga soo baxay degmada Jowhar heerka waxbarashada waaa Bachelor Degree isagoo bartay ganacsiga Iyo maamulka “Jaamacad Ku Taal Magaalada Muqdisho.

Mudane Cali Guudlaawe Waxaa uuu la soo shaqeeyay Gudoomiyaashi soo maray Gobalka Shabeellaha Dhexe 1994tii Mudane Cali wuxu la soo shaqeeyay gudoomiyihii gobalka shabeelaha dhexe ee xiligaa allaha u naxariistee NUUR SHIRBOW sidoo kale bishii maarso 2001 wuxuu ka mid noqday mas’uuliyiintii maamulka gobolka shabeelaha dhexe xiligii allaha u naxariistee MAXMAED CUMAR XABEEB ( MAXAMED DHEERE ) isagoo xilkiisu ahaa Wakiilka maaliyada goblka shabeelaha dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Wuxuu kaloo la soo shaqeeyay dowldii KMG aheyd markii fadhigeedu ahaa magaalada jowhar 2007dii wuxaa mar kale cali guudlaawe loo magacaabay Agaasimaha maamulka lacagta dowladii kmg aheyd qeybta gobolka shabeelaha dhexe , wuxuuna xilkaasi haayay ilaa 2009kii markaa oo ay Xarakada al shabaab qabsadeen jowhar.

Madaxweynaha Soomaaliya”Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mudane Cali Guudlaawe Xuseen u magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dad badan soo dhoweeyeen magacaabistaas, iyadoo loo arkayay inuu ahaa shaqsigii ku haboonaa xilkaas, maadaama uu ahaa shaqsi aqoon badan u lahaayeen dadka reer Shabeellaha Dhexe.

Muxuu qabtay Intuu Xilka Haayay Gudoomiyahii Hore Gobalka Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hir Shabelle Mudane Gudlaawe

Intuu Xilka haayay Waxqabadka uu ku tallaabsaday sanadahii u dambeysay waxaa ka mid ahaa inuu si sinaan iyo cadaalad u kala sooray dhamaan bulshada ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu isu furay dhamaan degmooyinka gobolka inta xorta ah oo ay wada gaartay adeegyadii maamulka dowliga ah.

Inkastoo Gobolka soo maray marxalado kala duwan, waxay dad badan rumeysan yihiin in Guddoomiyahii Hore Gobalka Madaxweyne Ku xigeenka Cusub ee Hir Shabelle Mudane Cali Guudlaawe uu ahaa geesigii guusha gacanta saaray oo fuliyay mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayay Gobolka.

Sidoo kale waxaa uu Guddoomiyahii Hore Gobalaka Shabellaha Dhexe ahna Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabelle hada wuxuu ku guuleystay dib u heshiisiin uu kala dhex dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, waxaana dib u heshiisiinta ay u aheyd muhiimad gaar ah.
Waxaa kaloo Mudane Guudlaawe lagu xasuusta intu haayay Xilka Guddoomiyaha mashaaric u ka hirgeliyay Gobalka , sida dhismaha waddooyinka, xarumo waxbarasho, MCH, kawaano, dayactirka kiliyo, dhismaha xarumo degmooyin iyo saldhigyo.

Dib u howl gelinta Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa ahaa mid udub dhexaad u ah in la helo garoon diyaaradeed oo ay diyaaradaha sama falka iyo kuwa rayidka ka soo dagaan, iyadoo lixdii sano aanu shaqeyn garoonka diyaaradaha, waxaa bilowday in diyaaradaha ay si caadi ah uga soo degaan garoonka, si la mid ah garoomada diyaaradaha ee ku yaala gobolada dalka.

Guddoomiyahii Hore Guudlaawe ayaa lagu ammaanay in si cadaalad ah uu u qeybiyay raashin gargaar oo hey’ado sama fal ay soo gaarsiiyeen Maamulkiisa, iyadoo meelo fagaare ah dad dan yar ah oo qaarkood la’ lixaadkooda gacantiisa ku gaarsiiyay.

Ugu dambeyn Mudane Cali Guudlaawe ayaa ku guuleystay marti gelinta magaalada Jowhar ee shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ee lagu dhisay Maamulka Cusub ee HirShabelle maadaama waxyaabaha Jowhar loogu xushay ay ka mid aheyd amniga, isla markaana maamul iyo shacab ay yihiin kuwo isku xiran oo ka wada shaqeeya amniga, bilicda iyo dib u dhiska.

Nuur Ismaaciil Shiiiq sahalmedia@gmail.com
Muqdisho Soomaaliya

dara_1 dara_4 dara_6 gudlawe gudlawe1 gudlawe3 gudlawe4 gudlawe6 gudlawe8 gudlawe9 gudlawe22 gudlawe33 gudlawe55 gudlawe66 gudlawe99

x

Check Also

Labo ka tirsan xubnaha Beelaha Banaadiriga oo lagu doortay Muqdisho..

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xubnaha xildhibaanada beelaha Banaadiriga ee golaha shacabka. Ila iyo laba kursi ayay doorteen ergada codeynyay ee ka koobna min 51-ka,waxaana ay ahayeen xildhibaanadii ugu ...

Hay’adaha Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo dalbaday 864-Milyan oo dollar..

Kulan balaaran oo ay ka  qeygaleen masuuliyin ka socta labada aqal ee  barlamanka  doowlada fadaralka haay,adaha ka shaqeeya arrimaha Bani’adanimada oo lagu  Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya ...

Watch Dragon ball super