Home » WARARKA MAANTA » Magaalada Jowhar oo maanta kacdoon dadweyne uu ruxay

Magaalada Jowhar oo maanta kacdoon dadweyne uu ruxay

Dad isugu jira carruur iyo cirroole ayaa maanta magaalada Jowhar ka samaynaya dibadbax xooggan oo ay uga soo horjeedaan go’aan uu maamulka deegaanka ka taliya soo saaray.

Dibadbaxa oo goor dhaw billowday ayaa waxa ay dadka ka qeybgalaya ku qeylinayaan erayo ka dhan ay wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle, kaas oo lagu eedaynayo in uu xaqdarro ku xiray agaasimihii Isbitaalka guud ee magaalada Jowhar.

Dadka ayaa aad uga caraysan go’aan ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha, oo ku la joojiyo shaqada ka socota isbitaalka guud ee Jowhar, oo ah isbitaalka ugu weyn ee ay ku tirsan yihiin dadka ku nool magaalada iyo goobaha ku dhaw.

Ilo xog-ogaal ah ayaa ku warramay in wasiirka arrimaha guduhu uu doonayo in isbitaalka laga dhigo xafiisyo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha maamulka Hirshabeelle.

Agaasimaha isbitaalka oo diiday amarka wasiirka ayaa loo taxaabay xabsiga.

Dadka magaalada ayaa wasiirka iyo maamulkiisaba ku eedeynaya in aanay ka war-hayn xaaladda nololeed ee deegaanka.

Isbitaalka Jowhar waxaa gacanta ku haysa hay’adda Talyaaniga laga leeyahay ee INTERSOS, waxaana ka socda howlo caafimaad oo dadka loogu gargaaro.

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super