Home » WARARKA MAANTA » Magaalada Beledweyne oo hadda dagaal xooggan uu ka socdo

Magaalada Beledweyne oo hadda dagaal xooggan uu ka socdo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in uu halkaas hadda ka socdo dagaal xooggan oo i dhexeeya ciidamada dowladda iyo maliishiyo deegaanka ah.

Taliska Booliska deegaanka ayaa laga soo xigtay in Dagaalka the uu ka socdo xaafadda Howlwadaag. Waxaana uu dagaalku ku billowday weerar ay ciidamada dowladdu qaadeen.

Nuur Xuseen Bidaar, oo ah taliye-kuxigeenka Booliska Beledweyne, ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay doonayaan in ay la wareegaan saldhigyo ay ciidanku leeyihiin oo ay si sharcidarro ah ku deggan yihiin maliishiyaad hubeysan.

Dowladda ayaa hore maliishiyaadkaan u amray in ay isaga baxaan saldhigga ay ciidanka dowladdu leeyihiin; balse kooxda ayaa ka dhega-adeegtay amarka dowladda.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba xaaladda colaadeed ee magaalada ka cusboonaatay.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super