Home » WARARKA MAANTA » Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay deeymo lagu leeyahay dowladda

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay deeymo lagu leeyahay dowladda

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sida ay u maaraynayaan deymo lagu leeyahay dowladd.

Hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu xusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa uu madaxweynuhu ku sheegay in dowladdu ay dadaal ugu jirto sidii loo cafin lahaa deymaha caalamiga ah ee lagu leeyahay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in si looga miradhaliyo dadaalkadaas, ay dowladdu wada-hadallo la yeelanayso hay’adaha sanduuqa lacagta adduunka (IMF), iyo bangiga adduunka.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla bixinta lacago deyn ah oo ay hay’ado iyo dalal caalami ah siiyeen dalka Soomaaliya intii ka horreysay burburkii dowladda Soomaaliya.

 

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super