Home » Qormooyinka » M. GHEDI: “Doorashooyinka dadban waxaa loo adeegsanayaa Dollar badan iyo is dirqis”

M. GHEDI: “Doorashooyinka dadban waxaa loo adeegsanayaa Dollar badan iyo is dirqis”

Waxaan dhashay  horaanta sanadkii 1950s, cimrigaa aan jiro iyo cirrada aan leeyahay doorashadaan kahor ma aanan  arag,  mana  maqal  doorashooyin aanan lahayn xeer loo wada hoggaansan yahay oo wax lagu kala hago iyo xishood  darri gaarsiisan heerka ay mareyso doorashada Soomaaliya sanadkaan sii dhammaanaya ee 2016.

La’aanshaha xeer doorasho oo loo wada hoggaansan yahay, xishood darrida oodda jabsatay iyo siyaasadda xusul isku reebka dahsoon leh, waxay fursad siiyay dhammaan ma xishoodayaalkii haystay dhaqaalaha fara  badan, dhaqaalahaas oo ay ku qasbadeen  in si dhib-yari ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay, iyadoo  ay su’aalo  kala duwan   ka taagan yihiin  meesha laga keenay dhaqaalahaas sicir-bararka aanan caadiga aheyn ku riday kuraastii labada (2 aqalka ), aqalka hoose oo ah 275 kursi,   iyo  aqalka sare oo ah 54 kursi, kuristaas   80%  ka badan waxaa kursigiiba lagu iibsaday  nus milyuun  US dollar iyo ka badan, inkastoo ay dhici karto 20% wax ka yar,  in ay ku heleen kuraastooda  kharash ka yar kan waallan ee loo badan yahay oo ah nus milyan US dollar kursigiiba.

275 xubnood aqalka hoose +54 xubnood aqalka sare=  329 kursi X 500,000,00 = 164.500,000 US dollar (  it may luckily less than 20%  escaped the outrage price but mostly didn’t ).

Runtii waa nasiib-darro, in kursi xildhibaanimo lagu iibsado nus milyan dollar iyo ka badan,   iyadoo xilligaan  milyanes iyo milyanes  dad Soomaali ah ay  u dhimanaayaan baahi iyo harraad abaaraha  ka jira Soomaaliya gees ka gees awgeed. ( It is  ridiculous to spends over a half million US dollar a seat of Somali Parliament while thousands of Somali people dead one day meal due to nation wide drought).

Taas waxaa ka sii darran,  su’aal  taagan oo ah  xildhibaanada nuucaas ah,  sidee buu u ekaan  doonaa shir-guddoonka baarlamaan oo ay u soo dooranayaan?, kadibna madaxweynaha ay dooran doonan sidee buu u ekaan doonaa ?, madaxweynuhuse  Ra’iisul Wasaaraha cusub ee uu magacaabi doono sidee buu u ekaan doonaa ?, Ra’iisul Wasaaruhuse xukuumadda uu soo dhisi doono  sideebey 4-ta sano ee soo socota dalka u maamuli doontaa ??.

Tii Alle waa meesheeda lakiin hal-booli ah Malaga fili karo nirig-xalaal ah inay dhasho, sidaas daraadeed  rajadu ma buurna ee Soomaliweyney maku wada duceysanaa Ilaheeyow noo bad-baadi dalka, dadka iyo diintaba.

Mohamoud Ghedi Aw Hilowle

xilqaad12@hotmail.com

Naadiga La Socodka Arrimaha Soomaliya.

x

Check Also

FIIRSO: Wariyeyaal Caan ah oo ka badbaaday qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay

Sawirro: Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Saldhigga Degmada Waabari

Ugu yaraan 8 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxii lagu Weeraray Saldhigga ...

Watch Dragon ball super