Home » WARARKA MAANTA » Kuweyt oo fashilisay qorshe muhiim u ahaa Shabaab

Kuweyt oo fashilisay qorshe muhiim u ahaa Shabaab

Dowladda Kuwayt ayaa fashilisay qorshe ay kooxda Shabaab ku raadinaysay lacag badan oo ay ku socodsiiso dagaallada ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha Kuweyt ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada ilaalada xeebaha ee dalkaas ay qabteen doon sidday shixnad dhuxul ah oo la rabay in lagu iibiyo dalka Kuweyt.

Warbaahinta oo soo xiganaysa warka ka soo baxay wasaaradda ayaa waxa ay faafiyeen in doontan ay lahayd kooxda Shabaab, dhuxusha saaranna laga qaaday deegaannada ay kooxdu ka maamusho Soomaaliya.

Dowladda Kuweyt ayaa shaacisay in doontan la qabtay ka dib markii la ogaaday in dhuxusha saaran ay tahay mid si sharci-darro ah looga soo daabbulay Soomaaliya, oo lacagta ka soo xarootana loo celinayo Shabaab.

Warka ayaa intaas ku daray in shixnadda dhuxusha ah lagu iibin doono suuqyada Kuwayt, si lacagta laga helo loogu diro dowladda Soomaaliya.

Dhoofinta dhuxusha ayaa lagu tiriyaa mid ka mida ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsan tahay kooxda Shabaab oo gacanta ku haysa deegaanno muhiima oo ka mida goobaha laga jaro dhirta dhuxusha laga sameeyo.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super