Home » WARARKA MAANTA » Kusimaha madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay arrimo quseeya maamulkiisa (akhriso warbixin)

Kusimaha madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay arrimo quseeya maamulkiisa (akhriso warbixin)

Madaxweyne-ku-xigeenka Galmudug ahna kusimaha madaxweynaha ayaa ka warramay diyaar-garowga loogu jiro qabashada doorashada madaxtinimada maamulkaas.

Mudane- Maxamed Xaashi oo warbaahinta la hadlayay ka dib kulamo uu magaalada Muqdisho kula qaatay madaxda dowladda ayaa waxa uu sheegay in isaga iyo madaxdu ay ka wada hadleen arrrimo badan oo quseeya Galmudug.

Arrimaha ay labada dhinac ka wada-hadleen ayaa waxaa ugu weynaa qabashada doorashada madaxtinimada Galmudug, waxaana uu kusimaha madaxweynuhu tilmaamay in doorashadu ay dhawaan dhici doonto.

Hadalka mudane- Maxamed Xaashi ayaa waxa uu imaanayaa xilli uu ra’isul-wasaaraha dalka mudane- Xasan Cali Kheyrre shalay soo-jeediyay in 40 maalmood dib loo dhigo doorashada Galmudug, si waqti loogu helo ka-guul-gaarista dadaallada wax looga qabanayo abaaraha ka jira deegaanno badan oo dalka ka mid ah, oo ay Galmudug qeyb ka tahay.

x

Check Also

War Naxdin leh oo laga soo sheegayo Deegaan Hoostaga Degmada Cadalle

Wararka Warbaahinta Shaaciye.com ay ka heleyso Deegaanka Nuur Dugle oo hoostaga Degmada Cadalle ee Gobolka ...

Hawlgal dad lagu qabtay oo Magaalada Muqdisho ka socda

Ciidamada qaabilsan xasilinta ammaanka Magaalada Muqdisho, ayaa saaka hawlgalo waxa ay ka wadaan xaafaddo ka ...

Watch Dragon ball super