Home » SHIRIB-YADA » Kooxda Jeenyo oo Galabta ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud

Kooxda Jeenyo oo Galabta ku guuleysatay koobka Jeneraal Daa’uud

Ciyaar Xiiso badan oo aheyd finalka Koobka Jeneraal Daa’uud ayaa Galabta  ku dhexmartay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium Labada Kooxood ee kala ah Banaadir Sports Club iyo LPP Jeenyo ,waxayna Ciyaartu ku soo dhamaatay Barbaro 2 iyo 2,waxaana loo dhigay intaa kadib Gool kulaad.

Kooxda Jeenyo ayaa ku Adkaatay Gool Kulaad 4- 2 ah,waxaana sidaa Koobkii Jeneraal Daa’uud ku qaaday LPP Jeenyo.

Dadweyne farabadan oo ka yimid dhamaan Degmooyinka Gobalka Banaaidr ayaa galabata Ciyaarta u soo daawsho tagay ,ku waa soo taageero u ahaa labada koox ee Ciyaarta dhaxmareysay.

Koobka Jeneraal Daa’uud oo Sanadkiiba mar lagu qabto Magaalada Muqdisho ayaa kan kii ka horeeyay waxaa ku guuleysatay Kooxada Kubada Cagta ee Horseed .

 

x

Check Also

Fiirso- Dubai oo askar aan noole ahayn yeelatay

Waxaa markii ugu horreysay magaalada Dubai laga howlgaliyay askari aalad ah oo ku shaqeeya korontada, ...

USA oo qiratay arrin aad u foolxun

Ciidamada Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen ku qirtay in 105 qof oo rayid ah ay ...

Watch Dragon ball super