Home » WARARKA MAANTA » Rag Bajaaj watay oo qof ku dilay degmada Yaaqshiid

Rag Bajaaj watay oo qof ku dilay degmada Yaaqshiid

Rag hubeysan oo watay mooto Bajaaj ayaa waxa ay gelinkii dambe ee maanta rasaas ku fureen nin dhallinyaro ah oo marayay agagaarka isgooyska Afarta Darjiino ee degmada Yaaqshiid.

Ninka la rasaaseeyay, oo magaciisa lagu sheegay Abbati, ayaa waxa uu durba ku dhintay isla goobta lagu rasaaseeyay, iyada oo kooxdii dilka geysatayna ay goobta isaga carartay.

Ciidamada ammaanka ayaa soo gaaray halka dilka uu ka dhacay, waxaana ay sameeyeen howlgal ay ku baadi-goobayaan xog la xiriirta falkaas.

Ma jirto wax war ah oo ay ciidamada amniga, ama maamulka deegaanku ka soo saareen dilkan. Lamana ogaan sababta ka dambeysay dilkan.

x

Check Also

FIIRSO: Wariyeyaal Caan ah oo ka badbaaday qaraxii lagu hoobtay ee Muqdisho ka dhacay

Sawirro: Faah-faahin Qaraxii ka dhacay Saldhigga Degmada Waabari

Ugu yaraan 8 Qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxii lagu Weeraray Saldhigga ...

Watch Dragon ball super