Home » WARARKA MAANTA » Keating oo sheegay in Alshabaab loogu guuleysan karo in afka “wax macaan loo geliyo lana garaaco

Keating oo sheegay in Alshabaab loogu guuleysan karo in afka “wax macaan loo geliyo lana garaaco

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in sida loogaga guuleysan karo Alshabaab ay tahay in afka “wax macaan loo geliyo lana garaaco”taasoo ay ka mid tahay in wadahadal dhinaca siyaasada ah lala yeesho.

Keating ayaa u sheegay wargeyska caanka ah ee ka soo baxa dalka Maraykanka Newsweek in cafiska  loo fidiyay maleeshiyaadka Alshabaab uu yahay bilow wanaagsan balse aysan ku filneyn sidii kooxda Alshabaab ay u baabi’i lahayd.

Michael Keating, ayaa sheegay in cafiska kaliya uusan ahayn hab kaligii shaqeyn kara;“Cafiska waa qorshe wax lagu sasabayo laakiin waxaad u baahan tahay in qorshe kale oo wajaan ama ul ah aad isticmaali kartid haddii ay dagaal ay ka dhigtaan qorshahooda siyaasadeed.”ayuu yiri Keating.

Inkastoo kooxda Alshabaab uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay cafis hase ahaatee ma jiro wax hakin ah oo laga dareemayo Alshabaab waxayna ka sheegtay ra’iisal wasaaraha dalka Britain May kulankii Khamiistii lagu qabtay magaalada London ee loogaga hadlayay arrimaha Soomaaliya in weerarada Alshabaab ay saddex laabmeen.

“Meelaha qaar waxaa jira ifafaale rajo ah taasoo ugu yaraan ah in ururka uu kala daato, laakiin uma malaynayo in arrinkaas uu yahay mid xilliyada dhow dhici kara.”ayuu sii raaciyay Keating.

Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay sida ay suurtogal u tahay in ciidamo Soomaaliyeed ay la wareegaan ammaanka dalka Soomaaliya marka la gaaro 2018 oo ah xilliga ay ciidamada AMISOM ka baxayaan dalka Soomaaliya.

“Waa in la daboolaa goldaloolooyinka nolosha ku sii haya Alshabaab sida maqnaanshaha amarka iyo kala dambeynta, adeegyada aasaasiga oo aan lahayn,ciidamada Milatariga iyo Booliska oo aan mushaar la siin sidaa awgeed musuqmaasuqu uu noqdo mid xaaraantimeynaya dowlada.”ayuu sheegay Keating oo u waramayay wargeyska Newsweek.

Si kasta ha ahaatee Keating ayaa ku tilmaamay xaalada dalka Soomaaliya inay tahay mid joogta hadda heer ka xun sanadkii hore.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super