Home » Qormooyinka » JIMCE MACAAN & KAFTAN MUDAN. W/Q: Bashiir Cali Barre

JIMCE MACAAN & KAFTAN MUDAN. W/Q: Bashiir Cali Barre

“Madaxweynaha Jumhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxammad Cabdullaahi Farmaajo, ayaa sheegay inuu xafiiskiisa surtay sawirka madaxweynihii ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar oo Aadan Cadde loo yaqiinay.

dadka qofba si buu u fahmay ujeedka madaxweyneheenna, waxaana u badnaa dadka sheegay inay u arkaan xushmo iyo waynayn uu madaxweynuhu u hayo Madaxweynihii koobaad ee soomaaliya, balse aniga taasi ima solin, sababtoo ah qodobbadaan soo socda.

1-Buugga madaxweynaheennu uu qoray ee uu mastar-ka ku qaatay sannadkii 2009kii wuxuu ku xusay in Aadan Cadde uu ahaa mudane talyaani u adeeg ah.
2-Inay taasi ahayd qoraal aan gacantu kaga dhicine uu ahaa kas iyo maag uu ula qasdayna waxaad ka ogaan kartaa, Madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa soomaaliya asagoo aan cidina dooran marxuum Maxammad Siyaad Barre ayuu ku sheegay waddani balaayo ka dhacday oo aan wiligiis gaalada iyo gumaysigu ka helin illin yar oo ay kasoo galaan! hadde ogoow Maxammad Siyaad Barre wuxuu kamid ahaa askartii talyaanigu ku ciqaabi jiray shacbiga soomaaliyeed ee ay gumaystaan laga soo billaabo 1930kii.
3-Dimuqraadiyad kagama dayan oo aadan wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee afrika, bariga dhexe, bariga fog, koofurta eeshiya iyo bariga yurubba ee inta tartan looga guulaystay si nabad iyo muran la’aan ah xilka u wareejiya, farmaajana waa ninka ayadoo la doortay ay dictatoriyaddiisu marayso inuu doorto nuuca su’aasha la waydiinayaa ay noqonayso {xafladdii EAT&TWEET ee lagu qabtay madaxtooyada}.
Marka aan qodobbadaas oo dhan kasoo waayey wax ay Marxuum Aadan iyo Mudane Farmaajo ka midoobi karaan ayaan is iri sidee wax u jiraan xaggee bay ka midaysnaan karaan? waana aniga kor ku sheegayoo warkeygu kaftan kama marnee ila soco.
Aadan wuxuu xidid la ahaa qoys aan ku qabiil ahayn [Majeerteen], Xilligii uu soomaaliya maamulayeyna waxaa la sheegaa in reer xididkiis awoodaha madaxweynaha ay asagii laftiisa ka badsadeen oo waxyaalo badan oo ay ahayd inuu asagu go’aansado ay ilma muuse mataan go’aankeeda lahaan jireen.
Haddaba dowladda maanta dalka ka talisa ee Farmaajo madaxda ka yahay oo ah dowlad isha qura ee aad loogala socdaa ay tahay baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter-ka ayagoo sawirro ah, waxaa sawirradaas badankood midkastoo kamid ah ka dhex muuqda qof ama labo katirsan beesha marwada koobaad ee dalka. {sawirka koobaad labo ilma caynte ah}.
Marka anoo huba in xaalku uusan ahayn noqonna karin siduu ahaa xilligii Aadan Cadde, soo macquul maahan in madaxweynuhu dareemay xoogaa culays ah oo dhankaas ah?, Mudane iyo marwo Qodobadaas sare, ka dhex muuqashada badan ee siyaasadda dalka ee shaqsiyaad ku beel marwada iyo madaxweynaha laftiisa oo ayaantaan billaabay in markuu marwada la safrayo {sawirka 4aad} ka saan horreeyo taasoo u dhiganta {I BIXIYOOW I BIXI, IGA BIXI ALLAHAYOOW} marka laysku dardaro adigaan aqristaha ah maxaad is tiri??

Kolleeyay adiga yeelkaaye anigu ma garanayo sabab aan taas ahayn oo madaxweyne Farmaajo xafiiskiisa u surto sawirka aadan cabdulle, anigoo og in Mudane Farmaajo heerka sawir isku muujin-jacaylkiisu uu gaarsiisan yahay darteed uu gaaray inuu afhayeenka baarlamaanka Turkiga Mr Ismail Kahrahman {sawirka 3aad} guddoonsiiyey sawirkiisa malahana ka codsaday inuu xafiiskiisa surto.

F.G. aniga warkeygu waa kaftan balse kaftanka ayaa salka ku haya is lahaanta dhacdooyin hore iyo kuwa maanta inay socdaan laga yaabo.

W/Q: Bashiir Cali Barre

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super