Home » WARARKA MAANTA » Jawaari oo war ay ku qancaan u sheegay xildhibaannada diiddan Imaaraadka

Jawaari oo war ay ku qancaan u sheegay xildhibaannada diiddan Imaaraadka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari)  ayaa xildhibaannada keenay mooshinka ka dhanka ah saldhigga ay Imaaraadku ka furanayso Berbera waxa uu ku qanciyay in guddoonka Baarlamaanku uusan caqabad ku ahayn mooshinkaas.

Mudane Jawaari oo ka hadlayay kulan ay xildhibaannada Baarlamaanka maanta yeesheen ayaa ka codsaday xildhibaannada mooshinka keenay in ay sugaan inta ay xukuumaddu ka soo gudbinayso warbixin dhameystiran oo ku saabsan heshiiska lala galay Imaaraadka ee quseeya hirgelinta saldhigga milatari ee Berbera.

Dhinnaca kale, guddoomiye Jawaari ayaa ugu baaqay ra’iisul-wasaare Xasan Cali Kheyrre iyo xukuumaddiisa in ay Baarlamaanka hor keenaan warbixinta heshiiska saldhigga Berbera.

Xildhibaannada ayaa iyaguna si wadajir ah isugu raacay in laga war-sugo warbixinta ay xukuumaddu soo gudbinayso.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay dhaliillo ay xildhibaannada qaar ugu soo jeediyeen guddoonka Baarlamaanka in uu iska indhatirayo socodsiinta mooshin mar hore la soo gudbiyay oo ka dhan ah saldhigga Imaaraadku ay ka fureyso Berbera.

x

Check Also

Erdogan: “Shacabka Soomaaliyeed wey na caawiyeen habeenkii afgambiga”

Ankara: Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo ka hadlayay madal uu ku qaabilay Madaxweynaha ...

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

Watch Dragon ball super