Home » WARARKA MAANTA » Israa’iil oo daandaansigii ugu darnaa billowday (warbixin)

Israa’iil oo daandaansigii ugu darnaa billowday (warbixin)

Wasiirka gaashaandhigga Israa’iil Afigdor Liberman ayaa ku hanjabay in  burburinayaan nidaamka difaaca circa ee Suuriya, haddii aysan ciidamada Suuriya ka joogsan duqeymaha ay la eeganayaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil.

Hadalka wasiirka ayaa waxa uu imaanayaa xilli goor sii horreysay diyaaradaha dagaalka Israa’iil lala eegtay gantaallo ay soo tuureen ciidamada Suuriya.

Liberman, oo duqeymaha Suuriyaanka ka hadlayay, ayaa wax uu sheegay in ay tahay markii labaad oo ay ciidamada Suuriya gantaal la beegsadaan diyaaradaha dagaalka Israa’il xilli ay howlgal ka wadeen Suuriya.

War-murtiyeed ka soo baxay ciidamada Israa’il ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalku ay jimcihii tegay weerarro ku qaadeen goobo ku yaalla Suuriya; balse taas beddelkeeda ciidamada Suuriya ayaa sheegtay in ay soo rideen diyaarad ay Israa’iil leedahay.

Warka ka soo baxay ciidamada ayaa waxa uu intaas ku daray in askarta dowladda Suuriya ay dhowr gantaal ku soo tureen diyaarado dagaal oo ay Israa’il leedahay, kuwaas oo ku sii jeeday dhanka hawada Israa’iil. In kasta oo aan la sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Ciidamada Israa’il ayaa tilmaamay in marka ay askarta Suuriya gantaallada soo tuurayeen ay diyaaradahoodu ku jireen duqeymo ay la beegsanayeen kolonyo hub iyo saanad kale u sidday kooxda Xisbullaah ee ka dhisan Lubnaan.

War ka soo baxay dhanka Suuriyana waxaa lagu sheegay in afar diyaaradood oo Israa’il laga leeyahay ay ku soo xadgudbeen hawada Suuriya, ka dibna ay bartilmaameedsadeen xarumo ciidan oo Suuriya ku yaalla; arrintaas oo sababtay in ay ciidana Suuriya is difaacaan, oo diyaarad kuwii weerarka waday ka mid ah soo ridaan, intii kalena cayrsadaan.

x

Check Also

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Somaliland oo ka hadashay warar halis ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Cabdullaahi Fadal iimaan, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay warar lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xariirto, kuwaas oo sheegaya ...

Watch Dragon ball super