Home » WARARKA MAANTA » Iiraan oo lagu eedeeyay in hubka ay siiso Xuutiyiinta ay mariso Soomaaliya..

Iiraan oo lagu eedeeyay in hubka ay siiso Xuutiyiinta ay mariso Soomaaliya..

Hay’ad amniga iyo hubeynta baaris ku sameysa oo uu fadhigeedu yahay Dalka Ingiriiska ayaa Dowladda Iraan ku eedeeysay in ay si dadban u hubeyso  Xuutiyiinta dalka Yemen iyada oo hubkaasi u maresiineysa Soomaaliya.

Dowladaha Mareykanka iyo Sucuudiga ayaa horay Iiraan ugu eedeeyay in ay hubeyso  Xuutiyiinta Yemen inkasta oo ay Iiraan arrintaasi beenisay.

Hay’adda CAR,waxaa ay sheegeysaa in Dowladda Iiraan ay hub farabadan ku wareejisay Xuutiyiinta Yemen iyada oo Hubkaasi marsiisay Soomaaliya.

Warbixintan ayaa la ogaaday kadib markii mid ka mid ah Maraakiibta Xeebaha Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Markab uu saaran yahay Hub farabadan kaas oo  la tuhmayo in uu hubkaasi ku dejinayay Soomaaliya kadibna loo gudbinayay Xuutiyiinta Yemen.
Warbixinta waxaa lagu xusay in Ganacsato Soomaali ah oo suuqa madow Hubka ugu ganacsada ay Hubkaasi u gudbinayaan Yemen iyaga oo ka qaadayo xeebaha MaamulkaPuntland ee Waqooyi barI Soomaaliya.

Hubka la qabtay waxaa uu tiro ahaan ka badan yahay  2,000 oo xabo kaas oo isugu jira noocyada fudud iyo kuwa culus waxaana ka mid ah 100 Gantaal oo ah nooca ay sameyso IIraan..

Waxaa  kale oo ku jira 64 Qoryaha Shiishka ee Hoshdar –M, oo ah kuwa ay sameyso Iiraan,islamarkaana ku socday Xuutiyiinta Dalka Yemen ka dagaallamaya hadda.

Qoryaha waxaa kale oo ka mid ah kuwa darandoorriga u dhaca iyo rasaas ay sameyso Dowladda Waqooyiga Kuuriya oo Iiraan ay siyaasad ahaan iska ag dhowyihiin,waxaana warbixintan ay taageereysaa walaaca golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay ka qabaan colaadda Yemen in ay dhinac ka tahay Iiraan.

x

Check Also

Labo ka tirsan xubnaha Beelaha Banaadiriga oo lagu doortay Muqdisho..

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xubnaha xildhibaanada beelaha Banaadiriga ee golaha shacabka. Ila iyo laba kursi ayay doorteen ergada codeynyay ee ka koobna min 51-ka,waxaana ay ahayeen xildhibaanadii ugu ...

Hay’adaha Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya oo dalbaday 864-Milyan oo dollar..

Kulan balaaran oo ay ka  qeygaleen masuuliyin ka socta labada aqal ee  barlamanka  doowlada fadaralka haay,adaha ka shaqeeya arrimaha Bani’adanimada oo lagu  Daahfurka Qorshaha wax ka qabadka Arrimaha Bani’adanimada Soomaaliya ...

Watch Dragon ball super