Home » Qormooyinka » HORUMAR MA KA JIRAA DALKA?

HORUMAR MA KA JIRAA DALKA?

HORUMAR MA KA JIRAA DALKA?

Waxaa iga su’aal ah wax horumar ah oo la gaaray ma jiraan intuu talada haayay Madaxweyne Xasan Sheikh? Jawaabta waa mid qofba si u aragto ama u qiimeyso (relativity of evaluation). Maadaama ay aragtidu kala duwan tahay ummada Somaliyeed waxay ka kooban tahay, sida aan u arko, qaybo kala ah : dadka waa qaar wax arka laakin aan wax maqal, iyo qaar kale oo wax maqla laakin aan wax arag iyo qaarka ugu dambeeya oo wax maqla waxna arka. Kuwa indhaha leh waxay horumar u arkaan wixi iyaga ay dani ugu jirto, wax kalena ma maqlaan oo dhego ma leh. Kuwa wax maqla waxay jecel yihiin inay dhegeystaan wixi iyaga faa’iido u leh wixi ka soo herana wax jira ma ahan mana rabaan inay maqlaan. Qaybta ugu dambeysa ee indhaha iyo dhegaha leh hadba qoladi waraabsata oo wax siisa ay fikirka la wadaagaan oo waa dad aan lahayn dareen ay wax ku cabbiraan ama ku qiimeeyaan. Halkaan waxaa ka soo baxaya su’aal ah ma jiraa qof Somali ah oo mabd’a ku saleeya rabitaankiisa? Mabd’u waa wax joogta ah oon isbeddelin.

Afartii sano ee ugu dambeysay waxaa dalka ka dhacay horumar dhinacyo badan taabtay. Waxaad arkeysaa magaalooyin iyo tuulooyin aan welighood lagu arag baabuurta raaxada oo maanta si weyn ugu qulqulaya, dadka ku nool meelahaas qaarkood weligood ma arak wax ka baxsan baabuurta waaweyn ee xammulka qaada. Taa waxaa dheer garoomo, nooci ay dooaan ha ahaadeen, oo ay dayarado ka degaan ayaa laga hirgeliyay maamul gobaleedyada oo dhan kuwaasoo oo xilliga hadda la joogo si weyn looga dareemi karo horumarka dhinacyadaas laga sameeyay.

Waxaad arkeysaa kulamo aad u badan oo ka dhacaya magaalooyinka waaweyn iyo degmooyinka qaarkood iyadoo dadki meelahaa ku noolaa ay heleen badankooda koronto aysan weligood ku riyoon. Gobollada qaarkood waxaa laga furay dugsiyo xarumo waxbarasho oo la la’aa labaatanki sano ee la soo dhaafay..gobollada qaarkood waxaa laga hirgeliyay jaamicado oo markii hore loo aadi jiray caasimadda oo kaliya…dhinaca kale, waxaa fududaaday helitaanka howlihi looga baahnaa xafiisyada oo xilligi burburka ay adkeed si looga helo meel ka

baxsan Xamar, sida diiwaan gelinta baabuurta (Ufficio P.R.A) iyo milkiyada dhulalka iyo guryaha, rukhsadaha baabuur wedida iyo howlo kale oon halakn lagu koobi karin. Intaas iyo in kale oo ka badan waxay hirgaleen xilliga Madaxweyne Xasan Sheikh…waxaase loo baahan yahay in la isla garto horumar wuxuu yahay xageese laga qiyaasaa, maxaana lagu qiyaasaa? Xagga amniga waxaad modaa in dadka badankiisu ku celceliyaan amni xumo inay ka jirto dalka, inkastoo amniga laftiisa maanta uu meel fiican maraayo haddii loo fiiriyo sidi uu ahaa afar sano ka hor. Dhinaca amniga tallaabooyin aad u wanaagsan ayaa loo qaaday dhinacaas oo abuuray inay dadki qurbajoogta ahaa ay ku soo dhiiradeen in dalka maalgashi ka sameeyaan, qaarkood ay shaqo u soo doonteen, iyagoo filahaaya inay helaan mushaar aad uga badan midka qurbaha laga bixiyo…waa haddii ay weligood wax shaqo ah qabteen!!!

Waxaa abuurantay cimilo dhiiri gelisay qurbajoogta qaarkood oo u arkay xilligaan inay siyaasada soo galaan iyagoo qaar badan oo ka mida ay ka soo qalin jebiyeen FADHI KU DIRIR weligoodna aan fursasd u helin xataa inay akhristaan kutubada ka hadlaya cilmiga siyaasadda, waana nasiib darrada maanta na heysata in qof aan qoyskiisa maamuli karin uu u hanqal taago ama ku hamiyo inuu dalkaan madaxweyne ka noqdo. Waxay ka mid tahay horumarka la gaaray.

Maamul Goboleedyada abuurmay waxay horseedeen horumar dhinacyo badan taabtay oo ay heleen dadki ku noolaa meelaha ka fog caasimadda. Aniga shakhsi ahaan waa ka soo horjeedaa federaalka, waayoo waa nidaam aakhirka burbin doona qarannimada Somaliya, waayoo kuwa maanta madaxweynayaasha ka ahna waxay diyaar u yihiin inay dalkaan oo dhan ay beec geeyaan ama uu burburo haddii ay waayaan waxa ay ku tashanayaan ama ay filayaan.

Waxaa mujtamaca Somalida ku soo kordhay dad aad u fara badan oo bulshada aan wax dowr ah ku lahayn inay helaan aqoonsi, tixgelin iyo talo ka qaadasho ama ay ka taliyaan mustaqbalka dalka, iyagoo lagu magacaabayo boqorro, ugaasyo, oday-dhaqameed iyo hal-du-dhegyo aan horey loo maqlin, haddii la maqlayna aan wax qiima ah ku lahayn bulshada. Dadka maanta soo xulaaya shakhsiyaadka ka tali dona dalkaan tiro boqolkiiba 85% aysan gudan karin xilka laga filaayo ama laga

sugaayo inay keenaan dad isbeddel ka dhali kara dalkaan aadka u nasiibka daran.

Intaas oo odayaal ah inay cod ku yeeshaan mustaqbalka dalka waa horumar la gaaray, waxaase laga yabaa inay tahay tallaabo loo qaaday gadaal-gadaal waayoo tiro ku dhaw labaatan ruux go’aan ay gaareen ayaa waxaa diidaya hal oday oo ka mida duqowda gobolka, isuna heysta inuu isaga wax kasta furo u yahay waxay isku raacaan intooda badan uu isagu horjoogsan karo, wxii uu rabana ay soconayaan…aaway horumarki la raadinaayay xagga siyaasadda?

Horumar waxaa la dareemi karaa marka qofki dalka ku noolaa oo ku naaloonaya nicmada manta llaahey ku maneystay uu inkirsan yahay in meesha la soo gaaray ay ka fiican tahay meshi laga yimid afar sano ka hor..dadka intaas inkiraya waa dad been ka sheegay Ilaahey oo barwaaqada la siiyay ay inkiraan…kuwaas Ilaahey ma cafi doonaa?

Qaybaha kale ee horumarka laga gaaray mar kale ayaan ka hadli doonaa.

Axmad Calasow

x

Check Also

BARO Xeerkan iyo Xigmadda Shiribka! Q.4AAD W/Q: Xasan K. Cuute(Shiribmaal)

Xeerkan iyo Xigmada Shiribka!Q4AAD Sidaan horeba ugasoo warranay Shirib goob laga sheego iyo Gole la isugu yimaadu waxaa u dambeeysa Shanleeydii aan kusoo qaadanay qeybti sedexaad. Shanta lafteeda lagama curin ...

MURASHAXIINTA MAXAA KA KHALDAN

MURASHAXIINTA MAXAA KA KHALDAN Runtii waa arrin aad u adag in qofku isaga is-qiimeeyo ama ismoodo wax uusan ahayn. Waxaana jirta xikmad Carabi ah oo dheheysa من يرى نفسه قبل ...

Watch Dragon ball super