Home » WARARKA MAANTA » Hooya Soomaaliyeed oo war naxdin leh ka soo sheegtay Hindiya

Hooya Soomaaliyeed oo war naxdin leh ka soo sheegtay Hindiya

Khadra Cabdinuur, oo ka mida ehellada dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya, ayaa waxa ay ka sheekaysay wixii ay soo aragtay ka dib booqasho ay dalkaas ku tagtay.

Khadra, oo warbaahinta gudaha la hadlaysay, ayaa waxa ay ka deyrisay xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirta xabsiyada Hindiya, kuwaas sugaya xukunno dil noqon kara.

Waxa ay dhaliishay safaaradda Soomaalida ee dalka Hindiya, oo ay ku tilmaantay mid aan ka warqabin xaaladda maxaabiista Soomaalida, waxaana ay dowladda Soomaaliya ka codsatay in laga soo wardoono dhallinyarada halkaas ku xiran.

Dhallinyaradan ayaa mar hore waxaa lagu xukumay dil; balse dadaal ay sameeyeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ayaa lagu suurtageliyay in la baajiyo fulinta xukunka lagu riday.

Khadra, ayaa sheegtay in 25-ka bishan May ay mar kale furmi doonto maxkamadda lagu qaadayo dacwadda loo heysto dhallinyaradan, taas oo laga yaabo in markan ay xukunkii ugu dambeeyay ku riddo dhallinyarada.

Ugu dambeyn, haweenaydan ayaa waxa ay dowladda Soomaaliya ka codsatay in ay wefdi u soo dirto la-socoshada maxkamadda dhawaan furmaysa, si ay dhallinyaradu u helaan dad iyaga metela oo xaqooda soo dhiciya.

Dhallinyaradan ayaa -badankooda- waxa ay ku eedeysan yihiin dembiyo la xiriira burcadbadeednimo, waxaana ay xabsiyada Hindiya ku jiraan muddo badan, oo ay xukunnadooda sugayeen.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super