Home » WARARKA MAANTA » Hogaamiyaasha maamul Goboleedyada oo soo dhaweeyay Guusha Jawaari..

Hogaamiyaasha maamul Goboleedyada oo soo dhaweeyay Guusha Jawaari..

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu dhinac fadhiyo ku xigeenkiisa labaad cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Madaxweynuhu wuxuu xusay in shaqo wanaagsan oo dhinaca nidaamka dowliga ah ay qabteen xildhibaanada Cusub taas oo Soomaaliyada Cusub ku hagaysa wadada Dowladnimada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Gudoomiye Jawaari uu yahay nin Aqoon leh waxbadana kala socda Siyaasada Soomaaliya hagi karana Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya.

Madaxweynahu waxaa kale oo uu sheegay in sidaas si lamid ah looga baahan yahay Aqalka Sare in ay doortan dad wax gal ah oo la jaanqaadi kara Siyaasada Dalka.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Guddoomiyaha dib loo soo doortay u rajeeyay Guul iyo hormar Afarta Sano ee soo socota ee uu hoggaamin doono Golaha Shacabka.

Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari oo helay 141-cod Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu noqday Guddoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya oo labo mar oo isku xigta la doorto.

 

x

Check Also

Khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ku-xigeenkiisa Guudlaawe..

Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar, si uu ugu dhawaaqo Golaha Wasiiradda ee Maamulkaasi, balse la hakiyey kadib, markii ay soo baxeen Khilaafka ...

Dowladda Somalia oo diyaarisay qorshihii shabaab looga saari lahaa degmada Saakow ee Gobolka J/dhexe..

Taliyaha ciidamada Xooga dalka Guutada Sagaalaad ee Gobolka Gedo Gaashaanle Maxamed Cadow Cali, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney diyaariyeen qorshihii Ciidamada maamulka Jubba Land iyo kuwa Dowladda oo ...

Watch Dragon ball super