Home » WARARKA MAANTA » Ganacsatada Qaadka Muqdisho keenta oo Go”aan Adag qaatay

Ganacsatada Qaadka Muqdisho keenta oo Go”aan Adag qaatay

Ganacsatada Qaadka kala soo dega Garoonk Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in laga billaabo maalinta Berri ay aysan qaad ka soo dejineyn Garoonka Aadan Cadde kaddib markii sida ay sheegeen lagu kordhiyay Canshuurta laga qaado Qaadka.

Mid ka mid ah Ganacsatada Qaad uu kala soo dega Muqdisho ayaa sheegay in Kiilada Qaadka ah Canshuurta laga qaado la kordhiyay oo halkii markii hore kiiladii laga qaadi jiray 43kun Sh.Som. ah hadda laga dhigay 53 kun oo Shilin Soomaali ah.

Waxaa uu xusay in arrintaas ay ka cabasho gudbiyeen lana dhegeysan waayay,sidaas darteedna ay laga billaabo berri oo Khamiis ah joojiyeen Soo dejinta Qaadka ilaa ay Wasaaradda Maaliyadda ka joojineyso lacagaha lagu soo kordhiyay.

x

Check Also

Laanta socdaalka Mareykanka oo dhambaal wargelin ah u dirtay Safaaradda Soomaaliya

Washington: laanta socdaalka dalka Mareykanka ayaa warqad wargelin ah u dirtay safaaradda Soomaaliya ee Washington. ...

FIIRSO SAWIRO” oo Wax badan ka Ogoow Kulan Caawa ka socda Villa Hargeysa

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya caawa kulan uu shir Guddoominayo ku ...

Watch Dragon ball super