Home » WARARKA MAANTA » FIIRSO:Safiir Max’ed Cali Ameriko oo ku dhaawaqay In u Yahay musharax Madaxweyne 2016 iyo Kumanaan ka qeyb galay

FIIRSO:Safiir Max’ed Cali Ameriko oo ku dhaawaqay In u Yahay musharax Madaxweyne 2016 iyo Kumanaan ka qeyb galay

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016.

Munaasabad si weyn looga soo qeyb galay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu musharaxa uga dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha dalka, wuxuuna sheegay in haddii xilkaasi loo doorto uu ku shaqeyn doono cadaalad.

Xaflada ku dhawaaqista Musharaxa oo ka dhacday Hotel City Palace Muqdisho’ ayaa la waayay meel la  kala istaago  dadka ka soo qeyb galay awgeed taaso ‘ ka dhigan Musharaxii Ugu  shacbiyada badnaa ee ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Madaxweyne Sanadkan 2016.

Reer Muqdisho Maanta waxaa la dhahi karaa’ sooma kala harin saqiir iyo kabiir” sida aay u camireen goobta musharaxa kaga dhawaaqay in u taagan yahay   Musharax Madaxweyne. .

Munaasabadda uu Musharaxu kaga dhawaaqay Musharaxnimadiisa oo lagu qabtay  Hotel City Palace sido kale  waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Cumaa;udiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko)   waxaa sido kale u kaga duwanaay Musharxiinta Horey ugu dhawaaqay In aay u taagan yahiin Xilka Madaxweyne waxaa ‘uu soo xirtay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida Caanka ku tahay .

Si kastaba ha ahaatee, Musharaxu waxa uu Taageero, magac iyo maamuus ku dhex leeyahay Gudaha iyo Dibedda, wuxuuna Khibrad u leeyahay Nidaamka Hoggaminta Dowlad-wanaagga, Horumarinta Danaha Qaranka iyo Xiriirka Caalamiga waana shaqsi la jecel yahay.

By Nuur Ismail Sheekh

Muqdisho  Soomaaliya

Ameiko IMG_5615 IMG_5629 IMG_5636 IMG_5639 IMG_5640 IMG_5645 IMG_5652 IMG_5669 IMG_5674 IMG_5676 IMG_5683 IMG_5688 IMG_5689 IMG_5692 IMG_5697 IMG_5698 IMG_5704 IMG_5707 IMG_5713 IMG_5717 IMG_5719 IMG_5722 IMG_5724 IMG_5735 IMG_5737

x

Check Also

Akhriso- Maamulka Hirshabeelle oo war culus soo saaray

Maamul-gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday in uu joojiyay wada-shaqayntii kala dhexeysay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Hadalkan waxaa lagu sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ...

La soco wararkii ugu dambeeyay ee amni-darrada ku soo kordhaysa Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax loo adeegsaday miino, kaas oo kordhinaya tirada qaraxyada maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada. Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgooyska Debka ...

Watch Dragon ball super