Home » WARARKA MAANTA » Fiirso- Shil culus oo waxyeeleeyay mas’uul ka tirsan Hirshabeelle

Fiirso- Shil culus oo waxyeeleeyay mas’uul ka tirsan Hirshabeelle

Waxaa dhaawac uu soo gaaray guddoomiye-kuxigeenkii Baarlamanka maamulka Hirshabeelle, ka dib markii gaari ay la socotay uu shil ku galay meel u dhaw magaalada Jowhar.

Marwo Canab Cabdullaahi Ciise ayaa marka uu dhaawacu soo gaaray waxa ay ku soo socotay magaalada Muqdisho, waxaana dhaawaceeda hadda lagula tacaalayaa isbitaalka Jowhar.

Shilka ayaa yimid ka gadaal markii uu gaariga guddoomiye-kuxigeenku si lama-filaan ah ugu qallibmay agagaarka deegaan lagu magacaabo Boorow oo duleedka Jowhar ah.

Waddada isku xirta Jowhar iyo Xamar ayaa ah mid aad u burbursan oo gawaaridu ay isticmaalkeeda ku dhib-qabaan. Mana yara shilalka gaari ee halkaas ka dhaca, oo waxyeella nafeedna geysta.

x

Check Also

Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo digniin loo diray

Iyada oo ay maalmahan wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ku howlannayd qabashada imtixaannaadka guud ee dugsiyada sare ...

Somaliland Oo Dib Xuriyadiisa U Siisey Wariye Coldoon

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamud Silaanyo Ayaa Cafis U Fidayay Suxufi  Abdimaalig Muuse Coldoon Oo Lagu ...

Watch Dragon ball super