Home » WARARKA MAANTA » Akhriso xog laga helayo kulan muhiim ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada (sawirro)

Akhriso xog laga helayo kulan muhiim ah oo xalay ka dhacay madaxtooyada (sawirro)

Waxaa xalay madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen madaxweynaha Soomaaliya, wasiirro ka tirsan xukuumadda, iyo hoggaamiyaha maamulka Ahlusunna ee gobalada dhexe.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay arrimo ku saabsan wadaxaajoodyada Muqdisho uga billaabanaya Ahlusunna iyo Galmudug, kaas oo looga gol-leeyahay in lagu mideeyo labada dhinnac.

Wararka laga helayo kulanka ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweynaha Soomaaliya, wasiirrada arrimaha dibadda iyo arrimaha gudaha, iyo mas’uuliyiin kaleba ay ku dhiirrigeliyeeh hoggaanka Ahlusunna in uu muujiyo ka-go’naasho ku saabsan in laga miradhaliyo wadaxaajoodka socda.

Dhankiisana, hoggaamiyaha Ahlusunna Shiikh Axmed Shaakir Cali ayaa madaxda dowladda u ballanqaaday in uusan waxna ka hagran doonin ka-guul-gaarista wadaxaajoodka socda, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super