Home » WARARKA MAANTA » FIIRSO SAWIRO: Kulan isdhexgal ah oo dhexmaray Booliska iyo Bulshada Muqdisho

FIIRSO SAWIRO: Kulan isdhexgal ah oo dhexmaray Booliska iyo Bulshada Muqdisho

Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa kulan damaashaad ah magaalada Muqdisho kula qaatay qaar ka mid ah dadweynaha ku nool degmooyin gobolka Banaadir.

Kulanka damaashaadka ah ayaa ka dhacay Beerta-Nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uuna dhexmaray saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya oo muddo sannad ah tababar ugu maqnaa dalka dibeddiisa, kuwaas oo ah dhallinyaro aqoonyahanno ah oo wax ku soo bartay Jaamacadaha iyo dugsiyada dalka iyo dibedda ku yaalla.

U jeeddada kulanka damaashaad ah,  waxa uu  ahaa sidii Booliska Soomaaliyeed  ay u dareensiin lahaayeen Bulshadooda in ay iyagu u adeeggaan, isla markaana ay tusaan in ay yihiin saaxiibka koobaad ee Bulshada, dareenka ka muuqday dadka ku sugnaa xarunta beerta-nabadda ayaa ahaa mid farxadeed, iyagoo si weyn ugu qanacsanaa in ay arkaan saraakiil Booliis  Soomaaliyeed ah oo bulshadooda waqti nabadeed la qaadanaya.

“Intii ay wada joogeen ciidanka iyo shacabkooda, damaashaadku waxa uu ahaa in ay is wareystaan, isu muujiyaan niyad sammi iyo walaalnimo, waxa ayna muujinayeen astaamaha meelaha damaashaadka lagu yaqaan ee ah in sawirro lagu galo meelaha quruxda badan ee ay wada joogeen Booliiska iyo Bulshada”.

Qaar ka mid saraakiishii ku sugneyd kulanka Booliiska iyo Bulshada, ayaa sheegay in  lagu soo dhoweeyey dareen nabad iyo farxad wata, maadaama ay dalka dibeddiisa tababar ugu maqnaayeen, diyaarna ay u  yihiin in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, waxa ay  ka codsadeen bulshada in ay ku gacan siiyaan shaqada nabad-galyada.

Ugu dambeyntii  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa uga mahadceliyey bulshadii ku sugneyd xarunta beerta-nabadda ee magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyey in mar walba Boolisku ay u heelan  yihiin in ay fuliyaan wax walba oo ay bulshadoodu jeceshahay, sida nabaddooda iyo horumarkoodu.

img_9536-1024x683 img_9539-1024x683 img_9543-1-1024x683 img_9557-1024x683 img_9558-1-1024x683 img_9564-1024x683 img_9593-1024x683 img_9606-1024x683 img_9644-1024x683 img_9692-1024x683 img_9696-1024x683 img_9707-1024x683 img_9712-1024x683 img_9714-1024x683 img_9715-1024x683 img_9724-1024x683 img_9766-1024x683 img_9769-1024x683 img_9771-1-1024x683 img_9771-1024x683

x

Check Also

Akhriso- Maamulka Hirshabeelle oo war culus soo saaray

Maamul-gobaleedka Hirshabeelle ayaa shaaca ka qaaday in uu joojiyay wada-shaqayntii kala dhexeysay hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Hadalkan waxaa lagu sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ...

La soco wararkii ugu dambeeyay ee amni-darrada ku soo kordhaysa Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay qarax loo adeegsaday miino, kaas oo kordhinaya tirada qaraxyada maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalada. Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka isgooyska Debka ...

Watch Dragon ball super