Home » WARARKA MAANTA » FIIRSO Sawiro: Danjire Ameeriko oo arrin lagu farxo ka sameeyey tuulo hoos tagta Balcad

FIIRSO Sawiro: Danjire Ameeriko oo arrin lagu farxo ka sameeyey tuulo hoos tagta Balcad

Amb Mohamed Ali Nur Ameeriko oo ahaan jiray safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Kenya dhawaana kamid ah Liiska Musharixiintii doorashadii Soomaaliya ka dhacday ayaa ku dhaqaaqay tallaabo uu u muujinayo dareenkiisa ku aadan dadka ay saameysay abaaraha Soomaaliya ku dhuftay.

Amb. Ameerko ayaa booqasho ay ujeedkiisa aheyd gargaarka dadka dhibaateysan ku tagay Tuulada Walamoy oo ka tirsan Degmada Balacad ee Gobolka Shabeelada Dhexe isla markaasna uu ka arrimiyo maamulka Hirshabelle
Ambaasadoorka ayaa halkaas ka sameeyey biyo dhaamis aad muhuiim u ahaa waxaana magaaladaas dagan ku dhawaad kun qoys oo u baahan gargaar raashin iyo biyo isugu jiro, wuxuuna ka dhawaajiyey inay halkaas ka jirto baahi iyo abaar daran loona baahan yahay in si deg deg ah ay u gaaraan hey’adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya, haddii kale ay ka dhallan doonto xaalad bini’aadanimo oo halis ah

Sidoo kale Ambasadoorka ayaa kormeer ku sameeyey Wabiga Shabeelle oo halkaas maro wuxuuna soo arkay dhibaastada ka jirto halkaas isagoo sheegay inuu wabigga guray dadkana aysan heysan wax ku waraabsadaan beerahooda maadaama aan muddo la helin wax roob ah

Ugu dambeyntii Ameeriko ayaa u mahadceliyey Guddoomiyaha Degmada Balcad Maxamuud Maxamed Maxamuud iyo Xildhibaan Kaasim Ali Nuur, Xaaji Maxamed Makunji iyo Ugaas Maxamed weli oo uu sheegay inay kala qeyb qaateen howshaas isla markaasna ay fududeeyeen.

Booqashadaan ayaa imaaneyso XIlli Gobolo badan oo ka tirsan Soomaaliya ay ku dhufatay abaaro la mid ah middii sanadkii 2011 wadanka ka dhacday, waxaana hadda socdo dadaalo loogu doonayo in loogu gargaaro dadkaas dhibaatada heysato

x

Check Also

Ra’iisul-wasaaraha oo xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada

Muqdisho, Maarso 30. 2017—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Casho sharaf u sameeyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna uga mahadceliyey ansixinta Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, ...

Wasiirrada cusub oo markii ugu horreysay maanta kulmaya- (maxay ka hadlayaan?)

Waxaa markii ugu horreysay maanta oo Khamiis ah kulan yeelanaya xubnaha golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, kuwaas oo shalay helay codka kalsoonida Baarlamanka. Kulanka ay wasiirradu yeelanayaan ayaa ah kulankii ...

Watch Dragon ball super