Home » DHAGEEYSIGA » Faduma Dayib oo jawaab culus ka soo saartay meel ka dhac loo geystay halka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo

Faduma Dayib oo jawaab culus ka soo saartay meel ka dhac loo geystay halka ay dhalasho ahaan ka soo jeedo

Haweeneyda Soomaaliyeed ee ku dhawaaqday inay tahay musharax Madaxweyne Faaduma Qaasim Dayib ayaa jawaab culus waxay ka bixisay aflagaado loo geystay halka ay ka soo jeedo dhalasho ahaan iyadoo maalmahaan baraha bulshada ku xiriirto ee Internetka Soomaali fara badan ayba ku tilmaameen inay tahay Amxaaro iyo Masiixi.

“Runtii waxaan aaminsanahay inaan galay qalad markii aan isku dayay inaan sameeyo wax aan meeshaba oolin” ayay tiri Faaduma Qaasim Dayib oo sheegtay in Soomaali fara badan ay taxliiliyeen dhalashadeeda 500 ilaa 600-sano kahor.

Haweeneydaan ayaa ka codsatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed inay wax kasta ka sheegi karaan taasina, waayo bay tiri qofka bulshada ka muuqda wax kasta waa laga sheegi karaa, hase yeeshee aan lagu tilmaamin Amxaaro iyo Masiixi.

Mar ay ka hadleysay meel ka dhaca kale ee qof ahaan loo geystay inay tahay Oromo, iyadoona qiratay walaalaheed ay yihiin, waxayna sheegtay inay u dhalatay qabiilka la yiraahdo Wardaayga oo asal ahaan Dir ku abtirsada.

Haweenka oo ah udub dhexaadka bulsho kasta ayaa mabda’ ahaan Soomaalida waxay aaminsan yihiin inaysan lahayn qabiil iyo qolo gaar ah, iyadoona sheegtay in hadafkeeda aanay ka weecin doonin, isla markaana ay ka tallaabi doonto isbaarada loo dhigtay baraha bulshada.

x

Check Also

NISA oo iska fogeysay inay ku lug yeelatay eedeymo loo jeediyay, soona saartay digniintii ugu weyneyd (Dhageyso)

Hay’adda Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA ayaa maanta iska fogeysay eedeymo loo jeediyay oo ...

MAHAAN KA DHAGEYSO: Haweenay Soomaaliyeed” oo Gabarta- aay dhashay ku dartay, nin haasaawe ka dhexeeyey

Watch Dragon ball super