Home » WARARKA MAANTA » Wax badan ka ogow qarax maanta mas’uuliyiin lala beegsaday

Wax badan ka ogow qarax maanta mas’uuliyiin lala beegsaday

Xubno ka kala socday maamulka gobalka Banaadir iyo guddiga qaran ee gurmadka abaaraha ayaa maanta lagu qarxiyay deegaanka Sarkuus oo duleedka Muqdisho ku yaalla.

Qaraxa ayaa waxa uu dhacay xilli ay xubnahan u socdeen kormeeridda xaaladda dadka ka soo barakacay abaaraha ee ku nool duleedka Muqdisho.

Ilo-wareed ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa shabakadda Shaaciye u xaqiijiyay in qaraxa oo loo adeegsaday miino dhulka ku aasan uu burburiyay mid ka mida gaadiidkii ay saarnaayeen xubnaha maamulka gobalka ee kormeerka qeybta ka ahaa.

Ma jiro wax waxyeello ah oo qaraxa ka soo gaaray xubnihii la socday gawaarida la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale, lama oga in uu qaraxan waxyeello gaarsiiyay dadkii rayidka ahaa ee ka dhawaa goobta ay gawaarida la qarxiyay marayeen.

Waxaa maalmahan ku soo badanayay deegaannada ku yaalla duleedka koofureed ee Muqdisho qaraxyada loo adeegsado miinooyinka ee lala beegsado gawaarida ay la socdaan mas’uuliyiinta dowladda ee halkaas mara.

x

Check Also

Al-shabaab oo baadi goobaya Shiikh Muqtaar Roobow

Wararka ka imaanaya Gobalka Baay ee Koofurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay raadinayaan Shiikh ...

Tahriibayaal Soomaali ah oo maanta laga dejiyay M/Hargeysa

Dalka Turkiga oo xariir wanaagsan la leh Soomaaliya ayaa dib u soo celiyay Tahriibayaal Soomaali ...

Watch Dragon ball super